London(Xogsoormedia.com):-Orodyahanka Reer Somaliland ee u carara dalka Ingiriiska haystana horyaalka Orodka Adduunka Mo Faarax,ayaa ka sheekeeyay maalmo kooban oo uu qayilay iyo wixii uu kala kulmay cunista qaadka iyo heerka mirqaan ee uu ku arkay.
Orodyahan Mo Faarax oo dhawaan ku guulaystay Billadda Dahabka Odorka Olombigga Adduunka oo muddooyinkii u dambeeyayba ay weerar ku hayeen warbaahinta reer galdeedku isla markaana ay ku eedaynayeen in uu isticmaamay daroogo ka mamnuuc ah ciyaartoyda,ayaa mar arrintaa wax laga weydiiyay sheegay in ay daroogu ugu dhawayd mar uu dhawr maalmood qayilay intaan dalka Ingiriiska qaadka laga mamnuucin.
Waxaanu intaa ku daray in aanu waligii daroogo kale isticmaalin markay ugu dhawaydna ay ahayd maalmo kooban oo uu qayilay.
Isagoo arrimahaa ka hadlaya iyo sabahaha uu u qayilayna waxaa uu yidhi Mo Faarax.“Ujeedadu waxay ahayd inaan tijaabiyo oo keliya; inuu la mid yahay Caleemaha geedaha oo kale… dhawr laamood ayaan cunay .”
Mo Faarax oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray.”Balse waxaan dareemay inuu ka duwan yahay… waxay ila noqotay sidii inaan cabbay 10-koob oo Shaah ah,”
Orodyahanka asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ee u orda dalka Ingiriiska,ayaa intaa ku daray in wax lala yaabo aanay ahayn qofku hadduu awood u leeyahay in uu sidan tabar sax ahna u qaato guulo waawayna uu gaadho isagoo aan wax xidhiidh ah la lahayn Daroogo.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland