Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xubno ka mid ah Xildhibaanada KULMIYE ee Golaha Wakiiladda,ayaa sheegay in ay sabtida golaha Wakiiladda hor keenayaan mooshin lagu burinayo go,aankii hore ee goluhu kaga codeeyay in Haamaha Shidaalka Xukuumaddu jirayn karto.
Waxaa kale oo ay meesha ka saareen xubanahan u hadlay xildhibaanada xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE in ay wadaan mooshin kale oo ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga dalka hoggaamiya ee KULMIYE kana tirsan mudaneyaasha golaha wakiiladda Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf(Waabeeye) iyo Xildhibaan Ibraahin Carraale oo la hadlay warbaahinta ayaa intaa ku daray in mooshinka ay sabtida keenayaan uu ku kooban yahay oo kaliya burinta go,aankii hore golaha uga soo baxay ee loogu codeeyay in aanay Xukuumaddu Haamaha Kaydka Shidaalka Wareejin Karin.
.
Ugu horrayn Xildhibaan Wabeeye oo ka hadlayay mooshin ay sabtida golaha hor keenayaan iyo sababaha ku dhaliyay,ayaa yidhi. “Arinta ku saabsan mooshinka haamaha kaydka Shidaalka sabtida ayaanu golaha la hor keenaynaa, waayo xildhibaano fara badan ayaa markii hore u arkayey in lagu deg degay oo aan laga doodin markaa mooshin ka keenayaa arintaa ”ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye.
Waxaa kale oo uu ka hadlay warar sheegayay in ay ku hawlan yihiin xildhibaanadda muxaafidka ahi in ay mooshin ka keenaaan guddoomiyaha golaha,waxaanu yidhi.”Ma jiro Mooshin ku wajahan kursiga guddomiyaha golaha wakiillada aanu ka keenayno ”ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye .
Xildhibaan Ibraahin Caraale oo fasiraad ka bixinayay in Madaxweynuhu awood u leeyahay in uu soo celiyo go,aan golaha ka baxay iyo sida uu awood ugu leeyahay,ayaa sheegay in ay waajibaadka Madaxweynaha ka mid tahay in uu dib ugu soo celiyo golaha taasoo uu tilmaamay in ay tahay waajib dastuuriya,waxaa kale oo uu tilmaamay in marka uu Madaxweynuhu ku soo celiyo golaha,xeer ama go,aan ka baxay in ay u baahan yihiin goluhu in ay helaan cod sadex meelood laba ka mid ah haddii taa la wayana ay noqonayso ta Madaxweynaha oo go,aankaasi uu halkaa ku burayo.waxaanu yidhi
“Mashruuca sharci waa go’aamo isu tagay ee cirka kama yimaado ,Madaxwaynuhuna xaq ayuu u leeyahay in qodob ama wax ka badan oo golaha ka baxay inuu soo celiyo ,go’aanada kale ee goonida ahna wuu soo celin karaa laakiin sida uu dastuurku tilmaamayo qodobada uu Madaxwaynuhu soo celiyo waa in golaha la hor keenaa markaa waa in lagu celiyaa saddex meelodaw meel hadii sidaa lagu celiyo saddex meelodaw meel Madaxwaynuhu ma soo celin karo hadaanu tuu tadh ama saddex melodaw meel wayno ta Madaxwaynahaa sax noqonaysa maaha in sharci kasta muran la galiyo oo la yidhaahdo kana waa go’aan gale kana waa mashruuc sharci qodobka uu Madaxwaynuhu soo celiyay miyaanu mashruuc sharci ahyn muxuu kaga duwan yahay qodobka gooni u baxay ”ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Caraale …
Haddii ay dhacdo in mooshinka lagaga soo hor jeedo go,aankii hore golaha la keeno oo uu meel mar noqodo taasi waxay meesha ka saaraysaa go,aankii hore golaha wakiiladu ugu diideen in Haamaha shidaalka ee Berbera in ay Xukuumaddu kirayn karto.
Waxaanay fursad u siinaysaa shirkadihii maal gashanayay in ay Haamaha Kaydka Shidaalka la wareegaan.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland