Cali Guray Oo Ka Hadlay Muranka Haamaha’Hoggaaminta Cirro iyo Baashe Kala Duwanaantooda iyo Sababta Muranka Keentay

0
266

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Guddoomiye ku-xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray),ayaa sheegay in golaha Wakiiladdu waxa ay isku haystaan in ay tahay xin iyo xumaan laakiin aanay ahayn dan qaran.

Waxaa kale oo uu ka hadlay waxa ay ku kala duwan yihiin Cabdiraxmaan Cirro oo Guddoomiyaha Wakiiladda ahaada iyo Baashe oo ku durka kursiga guddoomiyaha taasoo uu sheegay in ay u kala wanaagsan tahay danta qaranka.

cali(8).jpg

.

“Way dhacdaa in Shirkad gaar ah  lagu wareejiyo  maamulka Hantida Qaranka,  marka ay tahay wax loogu danaynayo dalka iyo dadka, laakiin Maanta sida ay wax u dhaceen way ka duwan tahay, aniga oo diidanayn in Shirkad gaar ah lagu wareejin karo Haamaha, haddii danta Qaranka loo arko, ayaa haddana waxaan diidanahay qaabka loo wareejiyey, cidda lagu wareejiyey, danta laga leeyahay,intaasba waan diidanahay, Todoba Shirkadood meel ma wada maamuli karaan,Todoba Shirkadood ayaa wada maamulayana wax caqliga gala maaha, heshiis muuqda oo cid lala galayna ma jiro, Shirkado aan jirin oo dad gaar ahi leeyihiin oo inta badana Shirkad kaliya oo gaar ah ayey u wada shaqeeyaan, waxaan diidanahay anigu musuqmaasuqa ilaa xadkaas ah, Shirkada HASS, waa Shirkad weyn oo aan qabo inay Haamaha maamuli karto, lala  galana heshiis cad oo muuqda sidii heshiiskii Total lala galay, anigu maan diideen, imika sida loo maamulo si wanaagsan maaha, waxaanan qabaa in haddii HASS lagu wareejin lahaa in sidan si ka  wanaagsan u maamuli lahayd, dhaqaalihiina way haysataa, laakiin marka Innamo la isku geeyo, oo xigto, qaraabo qansax iyo eex noqoto oo muwaadiniintii u sinnayd qaar ay noqdaan darajada kowaad, oo hantidii ummadda sida la doono loo siiyo, inta badan ee kalena la yidhaahdo  ma gaydaan idinku eex bay taasi noqonaysaa, Haamaha waa la wada leeyahay, waana loo wada siman yahay”.

 

Cali Guray ayaa mar uu ka hadlaayey Golaha Wakiilada ayaa yidhi “Xukuumaddana waan aqaana, Wakiiladana waan aqaana, waxaana walibana sii xun Wakiilada, haddii ay Xukuumaddu ciduun dhaantana cidda keliya ee ay dhaantaa waa Wakiilada, Mucaaradkooda iyo Muxaafidkooduba waa iskugu kay mid, qodob kaliya ayaan ilaaliyaa, waxaanan ilaaliyaa in Cabdiraxmaan Cirro kursiga ku sii fadhiyo, inta ugu badan ee uu ku sii fadhiyi karana uu ku sii fadhiyo, waayo Guddoomiye ku xigeenku haddii uu ku soo fadhiisto,  sida ay doonto ayey Xukuumaddu yeelaysa, oo tooda ayaa u soconaysa, haddii ay ogol yihiin kuwan Xukuumaddu in Nin kale oo Xildhibaan ah oo wax dhawranaya sida Saleebaan Koore oo kale, waa nin dhex noqon kara , waxna dhawrsanaya, markaas Cabdiraxmaan Cirro waxa aanu ku odhan lahayn meesha ka bax.

 

Sida ay imika Wakiiladu yihiin waa laba casaabadood oo is dilaya, oo waxa ay ka dhigayaan inay khalad tahay in Hanti Qaran Shirkado gaar ahi maamuli karaan, waxayna taageersan yihiin kan imika jooga inuu maamulo, waxayna leeyihiina lama soo celin karo warqada, waa runtooda, oo xeerka kuma taalo in Madaxweynuhu  soo celin karo, in aanu soo celin karinana kuma taalo, wax dan qaran oo la isku hayana maaha, waxa ay isku haystaan waa xin”

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here