Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Ka Hdalay Dhaq Dhaqaaqyada Cali Khaliif

0
348

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasiirka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac,ayaa sheegay in aanay illaa hadda fahmin waxa uu uga jeedo dhaq dhaqaaqyada uu Wado Cali Khaliif Galaydh oo ku sugan degmadda Balli-cad oo ka tirsan Gobolka Sool isla markaana ah magaalo Xuduudeed ay soohdin ka wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe waxaa kale oo uu intaa ku daray in xilligan ay Xukuumad ahaan culayska saarayaan arrimaha goboladda Bari.

biyaha

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi.

“Dhaqdhaqaaqaa hadda uu ka wado Bili-cad, mooyi wuxuu uga jeedo ma beesha caalamku istusayaa, ma cid kaluu istusayaa wuxuu iga jeedo ilaa hadda nuxurkeeda maanu ogaan, laakiin kolay uun dadka deegaanku waxay soo sheegayaan inuu nabadgelyo daro iyo dagaal abaabulayo ayay dadka qaar sheegayaa. Markaa ma qabo in Cali Khaliif hadda ka turjumayo cabasho kasta oo jirta iyo wax kasta oo dadkaasi tabanayaan, Cali Khaliif naftiisa uunbuu metelayaa Nin dadkaas u maqan ama wax u taraya maaha inuu fidmo u keeno mooye.” Ayuu yidhi Wasiirka biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo u waramay Telefishanka SOM news

Wasiirka biyuhu waxa uu intaas ku daray “Xukuumadda ahaan iyo annaguba waxaanu ku dedaalaynaa in labada sanno ee soo socda, kororsiimada laba sanno oo dhawdhaw baa la kordhiyee inaanu bariga culays saarno oo aanu aad wax uga qabano. Waxaan leeyahay nabadda qaata, dadka Khaatumo aamisan waxaad doonaysaan wadahadal ku raadsada, mase qabo xitaa Khaatumo hadday maanta cid la hadasho inay matasho deegaankaas majooratigiisa, kolay deegaan aad u yar bay ka meteshaa.” Ayuu yidhi Wasiirka biyaha Md. Baashe Cali Jaamac

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here