Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa qaaday tallaabo ay ku mutaysan karaan masuuliyiinta Wasaaraddaasi in lagu qaado dambi qaran oo ay dalka ka galeen.
Ka dib markii ay calanka astaanta qaranka dhalan rogeen ee ay ka dhigteen boodh ay leeyihiin kuna dhex feegareen kama masaxeen Tawxiidkii iyo xidigtii madoobayd ee dhexda kaga taallay.
hadday aqoon darro u gaysay oo ay garasho la,aan calanka sidaa ugu galeen waxay is waydiintu tahay siday u wad karayaan xilka wasaaradda ee ay qaranka u hayaan masuuliyiinta aqoontoodu siin wayday haddii ay shaqaaluhu garasho la,aan calanka ugu feegareen in ay ka qabtaan oo ay joojiyaan isticmaalka calanka ay dhalan gediyeen ee ay astaanta ka dhigteen soona raacinayaan wararka ay wasaaraddu baahinayso.
mise qaranka oo dhan ayaan ogsoonayn in ay wax ka bedelka calanku ay tahay dambi qaran.
habada waa in wasaaradda Tamarta iyo Macdanta lagu abaal mariyaa dambiga qaran ee ay gashay si aanay cid waliba waxay doonto ugu qoran calanka qaranka Somaliland
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland