Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Taliyaha Guud ee Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan,ayaa faray gaadiidlayda Somalilan amarro lagu yaraynayo shilalka gaadiidka ee dalka ka dhaca iyo qasaaraha ka dhasha.
Waxaanu Taliye Cabdilaahi Fadal gaar uga hadlay tagaasida yar yare e loo yaqaan Tukhaanka iyo bacda madaw ee muraayadaha baabuurta lagu dhejiyo ee loo yaqaan Beersoosha.
Waxaa kale oo uu Taliyaha Boolisku ka hadlay dawo dhaymeedka nabarada ee loo yaqaan Isbiirtada oo lagu dhayo nabadara isla markaana qalabka Caafimaadka lagu nadiifiyo oo uu sheegay in daroogo ahaan loo isticmaalo.
Taasoo uu taliyuhu sheegay in ay gacanta u dhigeen dad ka ganacsanayay oo meherado haystay.
Waxaanu amar ka soo saaray bacda Beersoosha ah ee baabuurta lagu dhejiyo oo uu sheegay in ay qayb ka tahay shilalka gaadiidka ee dalka ka dhaca taasoo uu sheegay in muddo 15 cisho gudahood ah Baabuurta lagaga furo kuwa ay hadda ku dhejisan tahay qaar dambena aan lagu dhejin karin.
Taliyaha Booliska oo ka hadlayay tagaasida yar yare e Tukhaanka la yidhaahdo ayaa yidhi. “ Baabuurta yaryar ee Dukhaanka loo yaqaan, waxaan halkan uga baahinayaa, gaadiidkaas waxa wata dhalinyaro aanay masuuliyadi saarrayn. muddooyinkii u dambeeyay markaanu qiimaynay shilalka, aad iyo aad ayay shilalkoodu u badan yihiin, taas oo ay keenayso masuuliyad darrada dhalinyarada wadata, xaasha ma lihi, darawalada wata iyo cidda leh ayaa wada caynkaas ah oo xun laakiin, raggaa dhalinyarada ah ee wata ayayna masuuliyad badani saarnayn, waxaanad arkaysaa wadada iyagoo gaadiidka xagga qaldan iyo dhinaca kaleba ka dhaafaya,”
Waxaa kale oo uu ka hadlay dhibaatooyinka ay leedahay bacda Beersoosha loo yaqaan ee muraayadaha baabuurta lagu dhejiyo oo uu sheegay in tal;laabo laga qaadi doono. “Waxaan halkan ka bayaaminayaa, waxaa jirta bac la yidhaa Beersool, bacdaasi waxyaabaha shilalka keena qayb ayay ka tahay. Waxaad arkaysaa gaadhi bacdaas xataa xagga hore lagaga xidhay, oo hareeraha oo dhan lagaga xidhay oo wax allaale wax ku jira iyo cid wadda toona aanad arkayn. Waxaan u bayaaminayaa dhammaan bulshada Somaliland ee gobolada dalka jooga inay gaadiidka bacda Beersoosha ah kaga gooyaan muddo 15 cisho ah. Wixii ka dambeeya muddadaas ciidanka boolisku hawlgal balaadhan oo bacahaas gaadiidka lagaga jarayo,” ayuu yidhi Mudane Fadal.
Waxaa kale oo uu shacabka Somaliland uga digay si qaldan uga ganacsiga Isbiirtada oo uu sheegay in ay dhalinyarada qaarkood isticmaalaan.
“Waxaan shacabka halkan uga bayaaminayaa waxaa jirta bahal loo isticmaalo dawaynta nabaradda oo ah bahasha Isbiirtada la yidhaa, waxaa jiray rag faro ku tiris ah oo caadaystay oo qaarkood aanu ku qabanay meheradihiina si sharci ah uga xidhnay. Waa bahashii Isbiirtada ahayd oo caruurtii dayarta ahayd laga iibinayo oo lagu baabi’inayo. Waxaan halkan ugu digayaa in qaar horena sharciga la hor geeyay, ciddii dambe ee lagu qabtana sharciga la hor gayn doono oo talaabo adag oo sharci ah laga qaadi doono,”
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland