Hargaysa(Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sarkaal sare oo ka socday xafiiska Qaramada Midobay ee Somaliland iyo Soomaaliya.
Mudane Siilaanyo ayaa qaabilay Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr Raisedon Zenenga oo Booqasho ku Jooga Somaliland.
Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray Qasirga Madaxtooyada Somaliland oo ay ku wehelinayeen Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo kulankaa ka dib Warbaahinta warbixin ka siiyay ayaa sheegay in ay labada dhinac ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka labada dhinac iyo arrimaha doorashooyinka, dhaqaalaha nabad gelyda iyo arrimo kale waxaanu intaa ku daray Wasiir Biixi in kulankaasi ku dhamaaday is af-garad.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland