Guddoomiyaha Maxkamdda Sare Oo Ka Hadlay Jawaabaha Ay Isku Cel Celiyanaan Xukuumadda iyo Wakiiladdu

0
306

Hargeys(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed,ayaa ka hadlay sida uu u arko go,aankii Golaha Wakiiladdu ku laalay kiraynta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera iyo soo celinta Madaxweynaha iyo jawaabta dambe ee Guddoomiye Cirro ku celiyay Madaxweyne Siilaanyo.

Waxaanu ku tilmaamay mid la xidhiidhaaa qaabka ay u wada shaqeeyaan labada Waaxood ee Xukuumadda iyo Sharci dejinta gaar ahaan golaha Wakiiladda isagoo intaa ku daray in aanay siyaasadina ka maqnayn.

Guddoomiyaha-Maxkamadda-Sare-500x276

Guddoomiye Aadan waxaa kale oo uu ka hadlay waxyaahaba u qabsoomay mudada kooban ee uu ahaa Guddoomiyaha Maxkadda Sare ee Somaliland iyo isku shaandhayn lagu sameeyaga Garsoorka Dalka.

 

Aadan Xaaji Cali Axmed  Gudoomiyaha Maxkamda sare isaga oo ka hadkaya isku bedelkii ay ku sameeyeen garssoorayaasha iyo xeer ilaaliyayaasah wadanka waxa uu yidhi “waxa jiray isbadal isbadalkuna laba nooc ayuu ahaa oo midi shaqada in la dardar galiyooo dadka qaar into la dalacsiiyay ayaa gobolo kale loo badelay waxa kale oo badelka ku hoos jiray meelaha mihiimka ah iyo gobolada dalka ee waa weyn dad markii hore ka shaqeynaayay gobolada ayaanu u soo badeleyy ka dib markii la qiimeeyay shaqadooda oo ay si fican uga soo baxeen  ayaa la bedelay”

Gudoomiye Aadan Xaaji  isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasku daray oo uu yidhi  “Waxaa kale oo iyaguna jiray ruqsaynn iyo  dad shaqda laga joojiyay shaqada laga joojiyay markaa iyagana dadkaa shaqada laga joojiyay waxaanu ku saleynay  baadhis iyo dabagalka cabashada iyo go,aanada ay qaateen iyada oo la raacay nidaamka u yaala ee la soo bandhigay oo gudida cadaaladu ay soo bandhigeen markii danbe gudida cadaalada ayaa ka dooday arintaasina waa arin kale oo mihiima isbedelkaa maxakamada sare iyo ta dastuuriga ah marka laga yimaado maxakamadaha hoose oo kale waxaa u saameeyay lixda gobol ee dalka iyo gobolada yar yare e dalka iyagana waa u saameeyay markaa macnaheedu waa lixdaa gobol ee waa weyn shan gobol oo ka mida gudoomiyihi maxakamda racfaanka iyo gudomiyihii maxakamada gobolka iyo gudoomiyihi maxakamada degmadu wey is bedeleen”

Dhanka kale gudoomiyaha maxakamada sare ee Somaliland waxa uu ka hadlay muranka ka dhashay go,aankii golaha wakiilada Somaliland ka qaateen wareejinta Haamaha Shidaalka ee Magaalada Barbara

Gudoomiye Aadan Xaji Cali Axmed isaga o arintaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Go,aanki ay isku celcelinayeen  labada haayadood ee fulinta iyo  xeer dejinta khaasatan xeer dajintu waa laba janbal ka golaha wakiilada laakiin golaha Guurtidu kuma jirayaan iyagu anagu ma dalbano waxa naloo keenayo waxa noo yimaada uunbaanu eegna markaa war uma heyno sidaan fahansanahyna  waxa isku celcelinaayay waa nidaamka ay uwada shaqeeyaan markaa kaasina iyaga ayuu khuseeyaa  markaa marka xeer hoosadadooda iyo dastuurka loo noqdo waa ay xalin karaan Maxkamadana waxba loogama baahna waxaana lagu xalinkara wada hadal.”

Markaa aniga sida ay ilaa muuqto laba arimood ayaa halkaas isku hoos jira midi waa nidaamkii ay hay,adahan kala madaxa banaan ee xeer dejinta golaha Wakiilada iyo fulinta oo uu Madaxweynuhu hogaaminayo ay ku wada shaqeeyaan ,ta kalena waa siyaasad  siyaasadna kama, madhna sida ay aniga iila muuqato garsoorkuna siyaasad kama shaqeeyo markaa dee annagu ma dalbano inkasta oo arrimaha qaranka ay garsoorku u madax banaan yihiin iyaga oo aanay cidina dalban markaa Maxkamada Sare ta dastuuriga ah ta fasiraada intuba hadday arin qaran oo taagan arkaan oo intay iskood u fadhiistaan furdaamin karaan  dee markaa dad inta wax loo keeno uun suga garsoorku maaha.”

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here