Golaha Guurtida Oo Guddi U Saaray Xeerka Duulista Hawada

0
307

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Golaha Guurtida Somaliland,ayaa fadhigoodii Maanta dood dheer ka yeeshay Xeerka Duulista Hawada Somaliland oo ay sheegeen mudaneyaashu in qabyo badani ku jirto isla markaana uu u baahan yahay in dib loo eego.

Dooda mudaneyaasha oo muddo saacad ka badan qaadatay ayaa xildhibaannada qaarkood soo jeediyeen in xeerkaasi guddi gaar ah loo saaro kadib markii ay madmadow ku arkeen xeerkaasi. Waxay ku doodeen in xeerka la waafajiyo dastuurka iyo shuruucda dalka.

GUURB

Guddoomiyaha Golaka Guurtida,ayaa sheegay in loo saari doono xeerkan Guddi ay ku jiraan gudiga shuruucda ee Golaha Guurtidu.

Xeerkan ayaa la sheegay in ay aanu kala xadaynayn awoodda Wasaaradda Duulista iyo Hay,ad madaxbannaan oo la doonayo in ay maamusho hawlaha Madaaradda Dalka.

Xeerka ayaa la sheegay in aanu kala saarayn hannaanka ay u wada shaqaynayaan Hay,adda Madaaradda dalka Maamulkooda la wareegaysa iyo Wasaaradda Duulista .

Xeerka ayaa marka ay Gudiga loo saaray soo naaqishaan ay dib ugu soo celin doonaan Golaha Guurtoda oo markaa ka dib ka doodi doona.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here