Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Waxa Lagu Wargalinayaa Dhamaan Dadwaynaha Reer Somaliland in ay Ka Soo Qayb Galaan Bandhiga Carwadda Casriga ah Ee Dawooyinka Dalka Masar
Carwadan oo lagu soo bandhigi doono dawooyinka iyo qalabka caafimaadka ee lagu sameeyay dalka Masar oo tiradoodu ka kooban tahay shan shirkadood ayaa bilaabmaysaa maalinta Salaasada ee todobaankan iyadoo socon doonta dhammaadkan bishan,goobta lagu soo bandhigayaana waa Huteelka wayn ee caanka Maansoor
Hadaba waxa la ogaysiinayaa shacbi waynaha ku dhaqan guud ahaan Cariga Somaliland gaar ahaana bulshadda ku nool magaaldda Hargeysa iyo nawaaxigeeda,isla markaana jecel inay ka faa’iidaystaan adeegyadan caafimaad ee casriga ah ee ay keeneen shirkadaha soo saara adeegyadda kala duwan ee caafimaadka sida dawooyinka iyo qalabkooda ee wadanka masar.
Carwadan carsriga ah ee lagu soo bandhigi doono dawooyinka lagu farsameeyo dalka masar oo ka kooban shan shirkadood oo caan ah isla markaana soo saara dawooyinka, qalabka caafimaadka ,casiirka iyo Cuntooyinka Nafaqaynta dadka oo ka bilaamaysa Hutel Maansoor.
Saacadaha ay bilaabmaysaa shaqadu waa ilaa o9 subaxnimo ilaa 10-ka habeenimo.
Fiiro gaara:Waxa loo baahan yahay wakiil.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland