Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(CabdiraxmaanXoog)ayaa ka digay lacago uu sheegay in lagu baayacayo mudaneyaasha golaha Wakiiladda oo la doonayo in ay meel mariyaan mar labaad go,aan ka hor imana kii ay ku laaleen in Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera lagu wareejiyo cid gaar ah.
“Maanta wuu kacsan yahay golahayagii. Waxbaa la isla dhex marayaa. Maalintii dhawayd ee la I waraystay maan odhan xildhibaannada ayaanu kala ordaynaa ee waxaanu ka ordaynay xukumadda iyo shirkaddaha oo aanu ka baqaynay inay soo faro galiyaan oo dhaameel daadiyaan(Lacag laaluush ah bixiyaan)”.
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray “Waxa hadda la ii sheegayaa in dhaameelkii bilaamay. In xildhibaannadii guryahooda loogu tagay, in golahoodii loogu tagay, in xildhibaannadii ka fadhiyi la yihiin dad lacag qaybinaya.”
Waxa uu intaasi raaciyay Xildhibaan Xoog “Waxaanu idiin sheegaynaa anagu xeer aad lacag ku bixisaan ma hayno, anagu ma hayno heshiis aad lacag ku bixisaan. Anagu waxaanu nahay dhegihii iyo indhihii umadda, umadda ayaa nagu aamintay masiirkooda oo aanu wakiil ka nahay, haddaanu ogaano heshiis qol madow lagu galay bartiisa ayaanu ku baabi’inaynaa. Waa waxaanu samaynay maalintii dhawayd, waa qaraar, waa go’aan gole, waxaanu umadda Somaliland u sheegaynaa go’aankaas cid soo celin kartaa ma jirto”.
Hadalka Xildhibaanka ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay soo bexeen warar sheegaya in ay Xukuumaddu doonayso in ay aqlabiyadda golaha Wakiiladda ka ansixiso go,aan kii hore lid ku ah oo fasaxaya in Haamaha kaydka Shidaalka Berbera lagu wareejin karo Ganacsato gaar ah.
Waxaanay arrintani ka dambaysay markii uu Madaxweynaha Somaliland dib ugu soo celiyay go,aankii ay Wakiiladdu ku laaleen wareejinta Haamaha shidaalka ee Berbera.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somalilad