Golaha Guurtida Oo Ka Dooday Shaqo Dawladda Hoose Ee Hargaysa Ay Dayacday

0
354

Hargaysa(Xogsoormedia.com):-Golaha Guurtida Somaliland,ayaa ka dooday oo wax iska waydiiyay saamaynta uu bulshada iyo qarankaba ku yeelan karo shaqo ay dawladda Hoose ee Hargeys ay dayacday oo ay gacanta ku hayaan shirkado gaar loo leeyahay oo ay Guurtidu dhaliishay qaabka ay shaqadaa u qabtaan iyo lacag xad dhaaf ah oo ay dadka ku soo rogeen.

Fadhigii Golaha Guurtida Somaliland ee maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golahaasi Siciid Jaamac Cali ayay mudaneyaashu kaga doodeen arrin aad muhiim u ah oo la xidhiidha arrimaha bulshada.

ucodee.jpg

Xildhibaanadii Doodaasi ka qayb Qaadanayay ayaa ka hadlay qashinka Buux dhaafiyay Caasimada Hargaysa iyo Shirkadaha qashinka Gura oo lacago ku soo rogay Bulshada,ciddii aan lacag hayna Qashinka laga qaadayn.

Xildhibaan Axmed Maxamed Saleebaan (Ilkacase) oo Ka mid ah gudida Arimaha Bulshada ayaa ku dheeraaday Muhiimada ay leedahay in qashinka Laga nadiifiyo Caasimada

“Shirkadaha Qashinka Xaafadaha ka Guraa Waydiideen in ay qashinka Guraan taasina waata keentay in Qashinku buux dhaafiyo Caasimadii hargaysa,shirkad kasta lacag ayay doonaysaa taasina maaha qashin qaad ee waal lacag doon,taasina waata keentay in qashinada lagu arko suuqyada lacag ay siiyaan kuwan qaadayana mahayaan.

intaas waxa uu ku daray.”Anagu ka Guddoomiye arime Bulsho ahaan,waxaanu diyaar u nahay bal siday u shaqeeyaan aanu u kuur galno am maandeeqda hilibka ha noqoto am kuwa qashina Hargaysa ka Gura ha noqdaan,Caqli maaha in Caasimadu ay buux dhaafiyaann qashin,Masuuliyiinta arinta ku shuqul leh ee dawlada Hoose fadhiga ayaynu ugu yeedhaynaa,bulshada in iyada lagu Qasbo maaha lacag ayaa qashinka laydinkaga qaadayaa.

Waxaanu xildhibaanku ka dayriyay xaaladda caafimaad darro ee ka dhalan karta qashinka caasimadda buux dhaafiyay iyo qorshe xumada shirkadaha qashinka qaada.

“Caafimaad daro ayaa ka dhalan karta hadaanay Shirkadahu Sidii loogu talo galay aanay u shaqayn,waxaanu ku rajo waynahay inaanu arintaasi ka hawl galno,waxaanu warbixin waafi ah keeni doono golaha markaanu Gudiyada la Kulano.ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed Saleebaan ilkacase.

 

Dhinac kale Xildhibaanada Doodaasi ka qayb galayay ayaa soo jeediyay in Masuuliyiinta wasaarada shaqada iyo Arimaha Bulshada fadhiga golaha looga yeedho si wax looga waydiiyo Dadka Ajihanibka Ahi Sida ay dalka uga shaqeeyaan iyada oo Muwaadiniint shaqo La’aan Darteed dalka uga Tahriibeen.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here