Wakaaladaha Wararka-(Xogsoormedia.com):- Aabbaha dhalay wiilkii yaraa ee meydkiisu ku soo caaryay xeebaha dalka Turkiga, oo muuqaalka dhimashada Meydka ilmihiisa yari indhaha caalamka ku soo jeediyay dadka colaadaha Suuriya ka soo cararay oo lagu magacaabo Abdullahi Kurdi, ayaa dareen naxdin leh kaga waramay sidii ay uu u dhacay shilkan uu isagu ka samata-baxay ee argagaxa leh oo ay ku dhinteen xaaskiisii iyo carruurtiisii.
Aabbahan lagu magacaabo Abdullahi Kurdi, waxa uu sheegay inuu doonayay inuu arko ilmahiisa markii ugu dambeysay in uu la joogo, oo la fadhiyo abid.
Waxa uu sheegay in uu xasuusto qofka tahriibka u sameynayay ee mukhalaska ahaa inuu kaxeeyay oo uu baray nin Turkish ah, kaddibna ay doonta fuuleen. waxaanu sheegay in tirada dadka ay doontaa
ku soo fuuleen ay ahayd Laba iyo toban qof, oo ay ku jireen isaga iyo xaaskiisa iyo carruurtiisu, waxaanu yidhi,
“Waxaan soconnay afar illaa Shan daqiiqo kadibna darawalkii ayaa arkay mowjadaha inay aad u weyn yihiin, waxaana uu ka booday doonta isaga oo baxsaday.” isaga oo hadalkiisa sii wata waxa kale oo yidhi aabahani,
”Waxaan isku dayay inaan doonta leexiyo, laakiin nasiib darro, waxa qalibay mowjad xoog badan. taasi waxay ahayd markii dhacday ee ay arrintu faraha ka baxday ee ay qaraqantay doontu,. waxaan isku dayay inaan gacamaha soo qabto ilmahayga iyo xaaskayga laakiin wax rajo ahi ma jirin oo si xoog leh ayay iiga siibteen, taas o keentay in ay mid mid u qaraqmaan oo ay u dhintaan. Carruurtayda yaryari waxay ahaayeen kuwa ugu quruxda badan caalamka. Ma waxaan jirin qof ilmihiisu aanay u ahayn waxa ugu qiimaha badan caalamka? Waxay ahaayeen carruurtaydu kuwo cajiib ah. Maalin walba ayay ii kicin jireen inaan la cayaaro. maxaa ka qurux badan taas. Wax walba waa ay tageen hadda, waxaan jeclahay inaan ag fadhiisto xabaashaa qoyskeyga oo aan ku dejiyo xannuunka aan dareemayo.” ayuu yidhi aabahani.
Qoyskan ay masiibadan dhimashada ahi ku timi, ayaa lagu soo waramayaa in hore loogu diiday codsi magangelyo doon ah oo ay ka dalbadeen dawlada Canada.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland