Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo Beenisay War Dadka Ka Farxiyay

0
295

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland,ayaa been abuur iyo wxba kama jiraan ku tilmaantay war dadka ka farxiyay oo warbaahinta qaar qoreen.

Warkaasoo sheegayay in Dalka Imaaraadka Carabtu uu ogolaaday in dalkooga lagu galo baasaboorka Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo warkaa lagu beeninayo,ayaa u dhignaa sidan.

 

pportMINISRTY OF FOREIGN AFFAIRS & INTERNATIONAL COOPERATION, REPUBLIC OF SOMALILAND

 

 

ID – 003                                                           Warsaxaafaded                                           04-09-2015

 

Assalaamu caleykum

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay halkan ku beeninaysaa war lagu faafiyey qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa dalka oo sheegaya in Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabtu (UAE) ay aqbashay in dalkeeda lagu galo Passport-ka Somaliland.

Arrinta aqbalaadda Passport-ku waa mid aannu ku gudo jirro hawshiisa balse weli ma jirto aqbalaad laga helay xagga dawladda Imaaraat-ka; warka arrintaa laga qorayna waa mid aanay waxba ka jirin

Waxa xusid mudan in dhawaan Madaxweynaha JSL Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu dhawaan u magacaabay Mudane Baashe Cawil Cumar Wakiilka Somaliland ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) oo isaguna haatan ku guda jira dardargelinta hawlaha xafiiska iyo arrimaha khuseeya xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Imaraat-ka.

Waxay labada wadan ee Somaliland iyo Imaaraatku wadaagaan xidhiidh soo jireen ah iyo iskaashi dhinaca taageerada, ganacsiga iyo dhinacyo kaleba leh.

 

Wa Billaahi Tawfiiq

 

 

Saleebaan Daahir

Director of Communications

Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation, Republic of Somaliland

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here