Roma (Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud,ayaa kulan kula yeeshay Caasimadda dalka Talyaaniga ee Roma Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella Maanta.
Waxaanu ka codsaday in dalka Talyaaniga iyo maalqabeenadiisuba in ay maal galin ku sameeyaan dalka Soomaaliya oo aan lahayn ammaan lagu aamini karo.
Madaxweyne Xasan oo ka qayb galayay carwo caalamiya oo muddoba ka socotay dalka Talyaaniga ayaa kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Talyaaniga kulanka uu la yeeshay kaga codsaday in uu dawladiisa iyo maal qabeenada Talyaanigaba ku dhiiri galiyo in ay maal gashi ganacsi ku sameeyaan Soomaaliya. “Waxaan kaa codsaneynaa Madaxweyne inaad ku dhiiri-geliso dowladaada iyo shirkadaha Ganacsiga Talyaaniga inay Maal-gashadaan Somalia, si looga faa’iideysto kheyraadka aan leennahay. Soomaaliya waxay leedahay kheyraad u Saamaxaya inay noqoto Horseedka dhaqaalaha Afrika, waxaana Talyaaniga ku dhiirri-gelinayaa inay ka faa’iideystaan fursadaha jira oo ay ka mid noqdaan dalalka ugu horreeya ee maal-gashanaya Somalia,’’ ayuu yidhi Xasan Sheekh.
Sidoo kale, Madaxweynaha Dalka Talyaaniga, Sergio Mattarella ayaa isagana u sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa in Talyaanigu uu taageerada uu siiyo Somalia sii wadi doono, isla markaana uu soo dhaweynayo codsiga Soomaaliya ee Dhinacyada Maal-gashiga , Iskaashiga Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada iyo Amniga.
Mr Mattarella ayaa u balan qaaday Madaxweynaha Soomaaliya iyo Weftigiisa in ay Soomaaliya sii wadayaan taageeradda ay siiyaan dawladda Soomaaliya.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland
d