Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI Mud. C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa ka hadlay go,aan golaha Wakiiladdu ku meel mariyay cod aqlabiyad ah oo ay ku laaleen wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera oo Madaxweynuhu dib ugu soo celiyay.
Waxaa kale oo uu guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro intaa ku daray in go,aan gole oo aqlabiyad ku soo baxay in Madaxweynuhu soo celin karo iyo in aanu soo celin Karin Dastuurku in aanu Dastuurku kala caddayn.
“Goluhu laba wax buu soo saaraa oo midi waa xeer waana sharci oo dastuurkaa tilmaamay, Madaxwaynuhu dee marka uu Goluhu Madaxwaynaha u soo gudbiyo waa in uu ku soo saxeexo ama ku soo celiyo mudo koob iyo labaatan cisho ah, midna waa Go’aan gole, Go’aan ka Gole in Madaxwaynuhu soo celin karo iyo in aanu soo celin Karin Dastuurka kuma cadda laakiin caadana may ahaan jirin in go’aan goluhu gaadhay in Madaxwaynuhu soo celiyo markaas kolay arintaasi waxa ay u baahantahay si sharciga waafaqsan oo dastuurka waafaqsan ayuu dee goluhu uga go’aan qaadan doona ugana jawaabi doona, go’aankaas golaha dee halkan baad joogteen Saxaafaddu waxaan qabaa in si sharaciya oo dastuurka waafaqsan uu go’aankaasi ku baxay, Madaxwaynuhu dee wax wuu ka qabi karaa, sharciyadda aanu u gudbinaba dee qaarbuu yidhaahda waxbaan ka qabaa oo qodobkaasi qodobkaa ma waafaq sana, waxay ila tahay uun dee sharci baynnu ku wada dhaqmaynaa markaa sharciga uun baa sarayn doona marka ugu danbaysa”
Guddoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Madaxweynaha,golaha Wakiiladda iyo Wasiirkaba uu u dhexeeyo sharcigu isla markaana ay sharciga ku dhammaynayaan arrinta go,aanka golaha ee Madaxweynuhu ku soo celiyay. “Goluhu Go’aan buu gaadhay, Madaxwaynuhuna waraaq buu soo qoray, waraaqdiina golaha way timid imikay timid intaan anigu arkay shalay (doraad) may imanin Goluhuna dee isga ayaa markaa Go’aanka ka gaadhi doona kana jawaabi doona, inuu soo celiyay go’aankii golahu u gudbiyay Madaxwaynaha, waxanay ila tahay Wasiirka, Madaxwaynaha iyo anigaba sharciga uun baa naga sareeya” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciiro).
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland