Berbera(Xogsoormedia.com):- Qaxoontigii ka soo qaxay dagaaladda ka socda dalka Yemen ee soo gaadhay Somaliland,ayaa qaybo ka mid ahi gaajo iyo duruufo nololeed oo la soo dersay ku kalifeen in ay dib ugu noqdaan dalkii ay xabbadda uga soo carareen ka dib markii ay Somalilan gaajo u joogi kari waayeen.
Ugu yaraan 60 qof oo ka mid ah dadkii qaxoontiga ahaa ee soo gaadhay Somaliland,ayaa habeen hore ka dhoofay dekedda Berbera iyagoo ku noqday dalka Yemen.dadkaasoo sii raacay markab Xoolo nool qaaday.
Dib u noqoshada qaxoontigan ayaa ah dhaliil dul hoganaysa Xukuumadda Somaliland iyo Hay’addaha qaramada midoobay ee sheegta in ay caawiyaan oo ay kafaalo qaadaan dadka colaaduhu qixiyeen ee dalalkooga dagaalo uga soo qaxa.
Qaxoontigan ayaa qaybtii ugu horaysay oo gaadhaysay ilaa lixdan qof waxay dekeda Berbera ka raaceen markab adhi ka qaadayay dekeda kaasi habeenkii xalay dekedda ka goostay.
Mid ka mid ah dadka Qaxoontiga ah ee Somaliland usoo qaxay ee duruufta nololeed dib ugu celisay dalkii ay colaadadaha uga yimaadeen oo wali dagaallkii ka socdo,ayaa sheegay in ay ku qasban yihiin in ay dib ugu noqdaan xabbaddii ay ka soo carareen oo aanay Somaliland sii joogi karayn taasoo uu ku sababeeyay xaalad aan lagu noolaan Karin in ay kala kulmeen Somaliland oo ay gaajo uga qaxayaan kuna noqonayaan xabbaddii ay ka soo carareen.
”waxaan socday illaa gabiilay oo aan ugu tegay habar wadaagyaday iyaguna waa dad danyar ah oo aan waxba na dhaamin markaas dalkayagii ayaanu iskaga noqnayanaa,waxaanu ugu noqonaynaa gaajo oo xabada ayaa gaajada noo dhaanta,gaajada waxa noo dhaanta xabadii aanu kasoo qaxnay.”sidaas waxa ku taraabtay mid ka mid ah qaxoontigii xalay ka dhoofayay dekeda Berera oo dib u noqonayay.
Qaxoontiga kasoo qaxay dalka Yemen ayaa ka soo cararay dagaaladda dalkaas ka socda ee u dhexeeya Kooxda Xuutiyiinta iyo Xukuumadda uu Sucuudigu hoggaaminayo ee taageersan dawladdii Xuutiyiintu rideen .
Qaxoontigana xabbadda ka iyo dagaaladda kala soo cararay naftooda ee Somaliland nabad gelyadeeda u soo qaxay ayaa imikana gaajo uga qaxay Somaliland oo Xabbaddii dantu dib ugu celisay.
Mudadii ay Somaliland ku sugnaayeen ayay inta badan noloshoodu ahayd mid adag oo dufuur nololeed ay la soo dersitay taasoo Xukuumadda Somaliland ceeb ku ah oo ay ahayd in ay Hay,addaha Qaramada Midoobay ka joogga Somaliland iyo kuwa caalamiga ahba in ay u sandullayso in ay gacan ka geystaan nolosha dadkan colaaduhu ka soo qixiyeen dalalkoogii.
Inta badan qaxootiga ka soo qaxay dalka Yemen ee ku sugan gudaha Somaliland ayaa inta badan noloshoodu ku tiirsan tahay dadka shicibka ah ee Reer Somaliland oo qaarkoodna ay ehelkooga halkan ugu yimaadeen halka kowo kalena ay gacan muslimnimo iyo walaalnimo ka helaan,
Habada Xukuumadda Somaliland ayaa la odhan karaa way dayacday dadkaas oo waxba ugumay doonin caalamka isla markaana may samayn goobo ay dejiso oo lagu ogaado.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland