Kuntuwaaray(Xogsoormedia.com):- Kooxda Al-Shabaab,ayaa la wareegtay gacan ku haynta degmadda Kurtuwaaray ee Koonfurta Soomaaliya iyadoo aanay wax dagaal ahi ka dhicin ka dih markii ay iskaga bexeen ciidankii AMISOM ee degmadaa ku sugnaa.
Ciidanka AMISOM,ayaa saaka toos uga guuray xarumihii ay ka degenaayeen degmadda Kurtiwaaray waxaanay ku biireen ciidan kale oo ka tirsan AMISOM oo degen Buullo Mareer.
AMISOM ayaan ka hadal sababta ay uga guureen Kurtiwaaray laakiin waxay wararka laga helayo deegaankaasi intaa ku darayaan in loo malaynayo in sababta ugu weyn ee ay uga guureen in ay la xidhiidho weerarkii ciidanka badan lagaga laayay AMISOM ee ka dhacay degmadda Jannaale.
Markii ay saaaka ka guureen AMISOM Kurtiwaaray wax yar ka dibba waxaa yimi oo la wareegay gacan ku haynta magaalada kooxda Al-Shabaab waxaanay degeen dhammaan fadhiisimadii ay markii hore ku sugnaayeen ciidanka AMISOM.\
Kooxda Al-Shabaab ayaa dadwynaha ku dhaqan magaaladda Kurtiwaaray intay meel fagaare ah isugu keeneen u jeediyay muxaadarooyin diiniya isla markaana dadka faray in ay la shaqeeyaan maamulka Al-Shabaab ee magaalada.
Muddooyinkii u dambeeyay waxaa dhacay weeraro ay kooxda Al-Shabaab ku qaadaysay saldhigyada ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM iyadoo weerarkii ugu dambeeyayna ku qaaday xero ciidan oo ku taalay degmadda Jannaale oo Ciidan bdan oo AMISOM ah lagu dilay qaar kalena la waayay.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland