Hargeysa (Xogsoormedia.com) – Siyaasi Cali Mahdi Xuseen oo ka mid ah Muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Sweden ayaa hankiisa musharaxnimo qurbaha ka soo caddeeyay kuna dhawaaqay in uu u tartamayo mid ka mid ah kuraasta golaha wakiiladda gobolka Maroodijeex ee KULMIYE.
Waxaanu sidaa ku sheegay War-saxaafadeed uu maanta soo saarey Cali Mahdi ayuu ku sheegay inuu ka sharaxan yahay xisbul-xaakimka KULMIYE oo golihiisa dhexe ka mid yahay. Waxaanu tilmaamay inuu doonayo inuu dalkiisa iyo dadkiisa u qabto wixii uu awoodo.
War-saxaafadeedkaasi ayaa u qornaa sidan “Aniga oo ah Cali Mahdi Xuseen waxaan maanta oo bishu tahay 2 September 2015 aan ku dhawaaqayaa in aan u sharaxanahay doorashada golaha Wakiillada ee la filayo inay Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoonto 2017 haddii ALLE nabad qab inagu gaadhsiiyo.
Waxaan ku dhashay Gobolka Maroodi-jeex, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa, halkaas oo aan ku barbaaray, waxbarashadaydii hoose iyo dhexeba ku qaatay, waxbarashadaydii sarena waxaan ku soo qaatay oo aan ku soo dhameystiray waddanka Sweden.
Anigu waxaan siyaasadda ku soo biiray 2002, markaas oo loo tartamayey doorashadii dawladaha hoose oo aan kaalin mug leh ka qaatay, waxaanan dorashadaa oo ahayd tii koowaad ee waddankeena ka dhacday aan ka mid ahaa xubnihii xisbiga UCID hormoodka ka ahaa ilaa 2014-kii, ka dib waxaan ku biiray xisbul-xaakimka KULMIYE oo aan hadda ka sharaxanahay.
ILAAHAY ayaa mahaddaa leh oo i soo gaadhsiiyey xiligan oo aan doonayo inaan dadkayga iyo dalkaygaba wax la qabto….”
Cali Mahdi Xuseen
Allaa Mahad Leh
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland