Hargeysa Oo Maalintii Labaad Aan Xoolo Lagu Qalin Cabashada Hiliblaha Jawaabta Maandeeq iyo Dawladda Hoose iyo Aamusnaanta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

0
372

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Magaalada Hargeysa,ayaan maalintii labaad wax hilib ah laga helin ka dib markii ay shaqo joojin sameeyeen ururka hiliblayaasha ee Nafaqo oo ka cabanayay lacag ay ku kordhisay shirkadda kawaanka Gawraca Xoolaha Hargeysa ee Maandeeq.

Waxaana la xidhay hoggaanka ururka hilibleyaasha ee nafaqo iyo tiro kale oo ka mid ah dadka xoogsadata ah ee xoolaha qala iyo kuwa ka ganacsada hilibka.

hilibleyaasha

Shaqo joojinta ay ku keceen hilileyaashu ayay ku diidan yihiin lacago lagu kordhiyay xoolaha ay qalayaan oo ay sheegeen in aanay qaadi karayn waxaanay cabashadooda ku muujiyeen muddaharaad ay ku diidan yihiin laakiin muddoharaadkoogii waxaa ka dhashay xadhigga Guddoomiyaha iyo kuxigeenka ururka hilibleyaasha ee Nafaqo iyo dad badan oo hilibleyaal ah oo u badan haween.

Waxaa kale oo jawaab ka bixiyay shaqo joojinta ay hilibleyaashu ku keceen Maayer ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa iyo guddoomiyaha shirkadda Maandeeq.

 

 

“Waxa isku kaayo keenay eenu shalay iyo maantaba u joojinay qalista xoolaha waxa weeye waxaanan qaadi Karin ayaa nalagu jujuubay. Neefka Lo’ada ah wuxuu yidhi SLSH 35,000 bixiya oo wuxuu ku kordhiyay 12,000 kun, Neefka geelaha SLSH 60,000 wuxuu ahaan jiray 42,000, Neefka adhiga ahi wuxuu ahaan jiray 6,500 wuxuu yidhi 12,000 bixiya waxaanan qaadi Karin ayuu nagu jujuubayaa”

 

 

“Nin shicib ah oo nala mid ah ayaa xuurto nagu haysta. Dawladdayadii hore waxay naga qaadi jirtay shan boqol oo shillin(SLSH 500), markuu qabsaday ba wuxuu nagu bilaabay saddex kun iyo shan boqol(SLSh 3,500), mar kale ayuu nagu kordhiyay oo lix kun ka dhigay(SLSH 6,000).”

 

 

“Waxaanu ka mudaharaadaynaa shirkadda Maandeeq la yidhaahdo oo nagu haysata Kaawaankii dawladda. Cashuur aanan qaadi Karin ayaa nala leeyahay bixiya oo waxaa nalaga xidhay 50 qof oo rag iyo dumar iskugu jira. Masuuliyiintayadii Nafaqo ayay qaqabatay oo la xidhay, maantana naftiibay noogu timid oo waxay leedahay anagaaba ganacsanayna oo ganacsigii bay nagu haysataa. Cashuurtii way soo dhaaftay oo ganacsigii baabay nagu haysataa, haddaanu khalad wadno dawladdu ha na qabato, haddii nalaga gar daran yahayna madaxweynaha, wasiirka daakhiliga iyo cid kasta oo ay khusaysaba waxaanu leenahay adeer nimankaas nooga soo gurmada,”

 

Jawaabta Shirkadda Maandeeq iyo Dawladda hoose ee Hargeysa

 

Jaamac Rooble, guddoomiyaha shirkadda Maandeeq oo maamusha Kawaanka xoolaha lagu gawraco ee Hargeysa oo ka jawaabay cabashada Hilibleyaasha ayaa sheegay in ay tahay wax aan badnayn waxa ay kordhiyeen isla markaana waxaa uu intaa ku daray in ay maanta xoolo iyagan.

 

“Horta waa in la fahmo cabashada dadkan, anigu waxaan u arkaa dad aan lagu aamini Karin cuntada dadka, sababtoo ah may ahayn inay dadka gaajaysiiyaan. Waxay ahayd in hilibka la qaybiyo oo wixii wada hadal ah la iskugu yimaado. Waxaanu ilaa hadda qaadnaa qiimihii 2005-tii, sidaas darteed Kawaanka nadaafaddiisu ma sii shaqayn karto. Halkii aanu 6000 qaadi jiray waxaanu ku kordhinay 5000, waxaanad ka qiyaastaa qiimihii 2005-tii sida wax u kaceen, hadday lacagta tahay, hadday masaariif tahay,hadday shaqaalaha tahay, wakhtigaa 2005 litirka shidaal ahi wuxuu ahaa sodon senti, haddana waad aragtaasn,” ayuu yidhi Jaamac Rooble oo BBC-da la hadlay.

 

 

Maayar kuxigeenka Hargeysa, Cabdicasiis Cagoweyne,ayaa sheegay in ka dawlad hoose ahaan ay dhexdhexaadinayaan Shirkadda Maandeeq iyo dadka cabashada sameeyay islamarkaana ay isla eegi doonaan arrimaha la isku hayo. Waxa uu sheegay in markay haboonaato la soo dayn doono madaxda Hiliblaha.

 

Halka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo ay hilibleyaashu cabasho la hor tageen aanay ugolaan in ay la kulmaan masuuliyiinta Wasaaradda isla markaana ay waayeen cid la hadasha oo ka dhegaysata cabashadooda,walina Xukuumaddu kama hadal saamaynta ay bulshada noloshooda ku yeelanayso hilib la,aanta ka taagan caasimadda Hargeysa waxna kamay waydiin hoggaanka shirkadda ka masuulka ah kawaanka gawraca xoolaha ee Maandeeq.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here