Jannaale (Xogsoormedia.com):- Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa sheegatay saaka subaxnimadii hore weerar iyo qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday Xero ciidan oo ku taalla magaaladda Jannaale ee gobolka Shabeelada Hoose ee Soomaaliya oo ay degenaayeen Ciidan u dhashay dalka Uganda oo ka mid ah Ciidanka Nabad ilaalinta ee AMISOM.
Ugu yaraan 19 Askari oo ka Tirsanaa Ciidamada AMISOM ee ka socda Uganda ayaa lagu dilay weerar Al-shabaab ay ku Qaadday Saakay Aroortii hore saldhig ay AMISOM ku leedahay deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in sidoo kale lagu dhaawacay weerarkaas tiro kale oo ciidamada AMISOM ka tirsan, tiro kalena ay Gacanta ku dhigtay Al-shabaab iyagoo nool.
Al-shabaab ayaa iyaduna Shaacisay inay Weerarka ay saaka ku qaadeen Saldhigga ay ku lahayd AMISOM Deegaanka Jannaale oo 110-km Koonfur kaga beegan Muqdisho ay ku dileen 50-askari oo Ciidamada AMISOM ka Tirsanaa.
Dhanka kale, War-saxaafadeed ay soo saartay AMISOM ayay ku sheegeen inay xerada ay Al-shabaab la wareegtay oo ay haysteen muddo kooban, sidoo kalena uu khasaare dhimasho iyo dhaawac ahiba soo gaadhay Ciidamadoodii ku sugnaa saldhigga Jannaale ee la weeraray.
“Al-shabaab Waxay Weerarka Saldhiggayaga AMISOM u Isticmaaleen Baabuur ay kasoo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa, si ay ugu fududaato inay xerada gudaha u galaan, Waxaana dagaal uu gudaha xerada ku dhexmaray ciidankayaga iyo kuwa Al-shabaab-ta weerarka soo qaaday,” ayay AMISOM ku sheegtay Warka ay soo saartay.
Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab,ayaa sheegtay in ay saldhigga AMISOM ee Jannaale ku dileen ugu yaraan 50 askari oo ka tirsan ciidanka Uganda ee halkaa degenaa isla markaana tiro kale oo ka badanina ay ku dhaawacantay
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland