Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Midawga Shirkadaha Shidaalka soo dejiya Xasan Maxamed Cige,ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin in dhaqaalaha ay Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera u baahan yihiin in aanay u heli karin. waxaa kale oo uu intaa ku daray in dakhliga imika ka soo xeroodaa uu yahay canshuurta u waajibtay ee shirkadaha shidaalka laga qaado isla markaana cidda canshuurta Haamaha ka soo xeroota laga qaadaa in ay tahay cid haysata maaliyad ay ku maal galin karto oo ay taana caddaynayso qaarash canshuureedka laga qaadaa.
waxaa kale oo uu waxba kama jiraan ka dhigay in ay Haamaha ka soo baxaan sida ay Wakiiladu sheegeen 24 Milyan Dollar sanadkii taasoo uu caddeeyay in aan iyaga laga qaadin Haamahana ka soo xeroon.
waxaa kale oo uu intaa ku daray in shirkaddiisu ay tahay shirkadda ugu Da,da weyn shirkadaha shidaalka ka gananacsada ee soo dejiya isla markaana ay tahay shirkadda kaliya ee leh Maraabiib shidaalka qaada oo hantideeda ah oo ay gaar u leedahay.
waxaanu intaa raaciyay in sababta kaliya ee ku kaliftay in ay doontaan isla markaana Xukuumadda kala hadlaan in Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera laga kireeyaa in ay tahay dhibaato qasaare oo ay qaranka iyo hantidoodaba ka badbaadinayaan una adkaysan waayeen dayaca Haamuhu imika ku sugan yihiin.
Waxaa kale oo uu sheegay in lacagta Haamaha ka soo baxdaa ay tahay canshuurta shirkadaha shidaalka keena laga qaado isla markaana ay taasi caddaynayso in ay dabooli karaan baahi kasta oo Haamuhu u baahan yihiin.
Waxaanu caddeeyay Guddoomiye Xasan haddii ay Midawga shirkaduhu la wareegaan Haamaha kaydka Shidaalka ee Berbera in aanay iyaga gaar u noqonayn balse cid kasta oo dalka shidaal keenta isla markaana ruqsad u haysataa in ay ku shuban karto.
Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su,aal aanu ka waydiinay in lagu eedeeyay shirkadohoogu in aanay dakhli dhaqaale oo loogu dhiibo Haamaha in aanay haysan imikana ay ka soo baxdo 24,ayaa ku jawabay. “Horta lacagta Haamaha ka soo baxdaa meel kale kama timaado ee waa canshuurta ka soo xeroota shidaalka aanu ku shubano oo annaga ayaa nalaga qaadaa lacag 24 Milyan ah iyo mid u dhawi toona kama soo baxdo laakiin waxaan kuu sheegayaa cidda canshuurta ay bixiso intaa lagu sheegay waxaad ogaataa in ay haysato hanti ay wax ku maarayn karto,shirkaduhuna dhaqaale ay ku hagaajiyaan kuna dayac tiraan Haamaha way hayaan oo mid kab badan ayay hayaan waana wax lala yaabo in la yidhaahdo intaasay canshuur u bixiyaan iyo lacag ay ku maal galiyaan ma hayaan.”
Waxaa kale oo aanu waydiinay Guddoomiye Xasan sababta ku kaliftay in ay shirkaduhu Haamaha yidhaahdaan hanalaga kireeyo eek u faliftay.waxaanu ku jawaabay. “ Shirkaduhu waa shirkado waddani ah oo dalkooga eegaya wixii u dan ah xaq ayaanay u leeyihiin in ay ka hor tagaan wixii iyaga iyo dalkaba qasaare ku keenaya markaa waxanu aragnay in Haamuhu imika sida ay yihiin haddii aanu ku sii eegano aanu anaguna ku qasaarayno oo ay dayacan yihiin qarankuna ku qasaarayo oo haamihiisii kaydka shidaalku dayac u baaba,ayaan markaa Xukuumadda ayaanu ula tagnay arrintaas dawladduna intii awoodeeda ahayd way ka qabatay Haamha oo sidan ay imika yihiin way ka sii liiteen markii TOTAL laga wareejiyay laakiin dayac tirka ay u baahan yihiin iyo awoodii ay Xukuumaddu galin lahayd ayaa kala batay taasina waxay keentay in aanu Xukuumadda ka wada hadalnay in shirkaduhu ay maal galin ku sameeyaan oo laga kireeyo isla markaana ay galiyaan wax kasta oo Haamuhu u baahan yihiin oo qarash ah,imika waxay Haamuhu leeyihiin dhuun kaliya oo shidaalka Markabka ka soo qaadda in biriish labaad la sameeyo waa loo baahan yahay in Haamaha laftooda la dayac tiro ayaa loo baahan yahay in hadba intii suura gal ah la isla eego in Haamo kale lagu soo kordhiyo ayaa loo baahan yahay,markaa waxaa na dhibaya in anaguna hantidayadii aanu ku shubno Haamo aan haynayn oo dilaacyo yeeshay oo dayacan oo aanu ku qasaarayno iyo in Haamihii Qaranku ay sidaa meesha kaga bax an oo ay baaba,aan wxaanan diyaar u nahay wax kasta oo ay baahan yihiin in aanu galino xataa hadday malaayiin noqonayso waanan u haynaa waana sababta aanu ugu badheedhny.”
Guddoomiyaha oo aanu waydiinay haddii lagu wareejiyo in ay kaligood shidaalka ku shuban karaan iyo in ay ogol yihiin cid kasta oo keenta in ay ku shubato,ayaa ku jawaabay. “Horta dalku sharci ayuu leeyahay oo lagu dhaqmaa dawladda ayaana ka masuul ah cid kasta oo shidaal keenta oo liisan iyo ruqsad u haysata in ay dalka shidaal keento oo marta sifaha dawliga ahi way ku shubanaysaa oo cid u diidi kartaa ma jirto oo markii ay TOLAL maamulaysayba iyadoo shidaalkana keenta ayaan anaguna keenayanay oo ku shubanaynay markaa wax noo kooto ahi ma jiraan ee ganacstada oo dhan way u furnaanayaan waanay ku shubanayaan waxaa kaliya oo shardi ah in marba markabka soo horreeyay laga shubo.”
Mar uu ka jawaabayay in ay halkaa kaga hadhayaan iyo in ay wali doonayaan in Haamaha laga kireeyo,ayuu ku jawaabay Guddoomiye Xasan. “annagu(Shirkadaha Shidaalka soo dejiya) waxaanu wada hadalnay Dawladda iyada ayaanan ka war sugaynaa in ay naga kiraynayso iyo in ay go,aankii golaha qaadanayso labada ka ay qaadatana waan kula shaqaynaynanaa laakiin waxa kaliya ee aanu ka hadlaynaa waaxay tahay Haamihii Qaranku way dayacan yihiin ee hala dayac tiro oo hadday dawladdu awooddana ha hagaajiso haddaanay duruuftu u saamaxayna ha nagu wareejiso.”
Ugu dambayn waxaanu waydiinay haddii lagu wareejin waayo in ay doonan doonaan dhul ay leeyihiin oo iyaga la siiyo oo ay Haamo Kayd Shidaal ah oo u gaag ah ka samaystaan,ayaa ku jawaabay. “Horta taa imika lama gaadhin lagamana wada hadal laakiin waa wax dhici kara in aanu doonano oo imikaba shirkado Haamo samaystay way jiraan.”ayuu yidhi Guddoomiye Xasan Maxamed Cige oo waraysi gaar ah siiyay
Xigasho Wargeyska Codka
Hargisa Somaliland