Hargeysa-(Xogsoormedia.com):-Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa u magacaabay masuuliyiin cusub gobolada dalka qaarkood isla markaana guddoomiyeyaashii hore faray in ay yimaadaan Xarunta guud ee Xisbiga isla markaana magacaabay xilal cusub oo ku soo biiray Xarunta dhexe ee KULMIYE.
Guddoomiye Muuse Biixi,ayaan sheegin sababta masuuliyiinta hore xilalka uu masuuliyiinta kale u magacaabay uga qaaday laakiin waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in looga mahad naqayo mudadii ay Xisbiga la shaqaynayeen.
Guddoomiye Muuse Biixi, ayaa wareegto uu soo saaray shalay waxa uu ku magacaabay guddoomiyayaash KULMIYE ee shan ka mid ah gobollada dalka, halka laba masuul oo kale loo kala dhiibay warbaahinta iyo xidhiidhiyaha gobollada ee xisbiga.
War-saxaafadeed oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha KULMIYE oo lagu baahiyey magacaabistaasi, waxa uu u dhignaa sidan;
Ujeeddo: Magacaabid xilal
Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 01/09/2015, waxa loo magacaabay xubnaha hoos ku qoran mid walba xilka ku hor qoran.
- Amiin Muuse Xirsi – Guddoomiyaha Gobolka Gabiley
- Xasan Cabdillaahi Xirsi – Guddoomiyaha Gobolka Togdheer
- Axmed Ismaaciil Jaamac – Guddoomiyaha Gobolka Awdal
- Maxamed Cawad Faarax – Guddoomiyaha Gobolka Sanaag
- Axmed Maxamed Daadey – Guddoomiyaha Gobolka Sool
- Cabdillaahi Maxamuud Guray – Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Sool
- Jaamac Dheeg Cartan – Xoghayaha Gobolka Sool
- Saalax Muxumed Idiris (Shiine) – Xidhiidhiyaha (Co-ordinator) Gobollada iyo xarunta Dhexe ee xisbiga KULMIYE
- Cali Jaamac Maxamed – Madaxa warbaahinta (media) ee xarunta xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyayaashii horena waxa looga mahadcelinayaa sidii wanagsanayd ee ay noola soo shaqeeyeen, iyaga oo soo gali doona xarunta dhexe ee xisbiga.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland