Xukuumadda Somaliland iyo Hay’addo Islaami Ah Oo Ka Socda Sucuudiga iyo Imaaraadka Oo Iska Kaashanaya Dib U Dejinta iyo Taakulaynta Dadka Abaaruhu Saameeyeen

0
483

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xukuumadda Somaliland iyo Hay’addo Islaami ah oo ka soo jawaabay Baaqii Madaxwaynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland u kala direen dalalka Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga ,ayaa iska kaashanaya dib u dejinta dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee Somaliland.

Waxaanay Xukuumadda iyo Hay’adda Islaamiga ah ee ka socotay Imaaraadka Carabtu gurmadkii ugu horreeyay ay gaadhsiiyeen dadka abaaruhu ku dhfteen ee Gobolada galbeedka Somaliland.

sheekh khaliil

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Sheekh Cabdilaahi Axmed oo ka mid ah gudiga heer qaran ee gurmadka abaaraha,ayaa ka war bixiyay abaarta Somaliland ku dhufatay iyo saamaynta ay ku yeelatay dad iyo duunyoba. Waxaanu bulshada reer Somaliland u soo jeediyya in ay ALLE ka baqaan oo ay RABBI baryaan isla markaana toobad sax ah oo dhammaystiran la yimaadaan,waxaa kale oo uu bulshada uga digay daadinta dhiigga qofka muslimka ah iyo dilka oo uu sheekhu sheegay in ay tahay dambi wayn oo ALLE laga galay taasoo uu ummadda reer Somaliland ku waaniyay in ay ka digtoonaadaan.waxaanu sidaa ku sheegay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland waraysi gaar ah oo uu khadka tilifoonka ku siiyya wargeyska Dawan.

Ugu horrayn Wasiirka Diinta oo aanu waydiinay kormeerka ay ku soo mareen gobolada Gabilay,Awdal,Selel iyo Maroodijeex waxyaabahay ay ku soo arkeen iyo qiimaynta ay ku soo sameeyeen baaxadda abaartu u saamaysay,ayaa ku jawaabay. “Waxaanu Hargeysa kaga wada baxnay Wefti balaadhan oo ka kooban Xukuumadda,Guurtida waxaa kale oo nala socday Hay’ad Islami ah oo la yidhaahdo (OIC) Urura Iskaasshiga Islaamka oo dallad u ah ururo badan oo Islaami ah. Oo uu la socday nin Sucuudi ah oo ka socday Hay’ad loo dhisay kaalmaynta dadka Soomaaliyeed guud ahaan oo uu dalka Sucuudigu aasaasay markii Soomaaliya ay abaaruhu ku dhufteen oo sidii u jirta una shaqaysa oo inoogu yimi baaqii Madaxweyne ku-xieenku u qoray Sucuudiga una yimi in ay wax u qabtaan dadka abaaruhu saameeyeen markaa ninkaasina wuxuu ka socday gudiga qaranka sare ee dalka Sucuudiga ee kaalmaynta Soomaalida. Markaa waxaanu soo marnay deegaamadda gobolada Selel, Awdal,Gabilay iyo Maroodijeex oo aanu ku marnay safar qiimayn ah oo qaatay laba maalmood waxaa kale oo dadkaa la gaadhsiiyay kaalmo ay bixiyeen markaa laba qaybood ayaanu ahayn qaybi waxay qaaday raashin ay bixisay Hay’adda Khaliifa Fondhayshin oo  noqotay hay’addii ugu horraysay ee ka soo jawaabta baaqii Madaxweynaha ee uu hay’addaha iyo Dalalka Islaamka kaga dalbaday in ay gacan ka geystaan gurmadka iyo samato bixinta dadka abaaruhu ku dhufteen. Waxaanay raashin Gaadhsiisay illaa laba kun oo qoys oo ku dhqan gobolada Gabilay,Awdal iyo Selel.Xukuumadduna waxay hore u bixisay 150 kun oo Dollar oo ay gurmadka abaaraha gobolada galbeedka Somaliland ugu gurmatay.”

Wasiir Khaliil oo ka hadlayay sida ay abaaruhu deegaanada ay soo mareen u saameeyeen,ayaa yidhi. “deegaanada abaar baahsan ayaa ku dhufatay oo saamaysay dad iyo duunyoba waxaana jiray sadex isku noolaa oo kala ahaa geedka,xoolaha iyo dadka markaa laba meesha way ka bexeen xoolihii iyo geedkiiba meesha way ka bexeen oo markii dadkii xooluhu ka lee,deen waxay nolol ka dayeen dhirtii oo ay kii qoyanaa iyo kii qalalaaba shiteen si ay dhuxul uga dhigaan oo ay nolol ka dayaan. Abaartuna waxay saamaysay gobolada Awdal iyo Selel iyo Gabilay oo kaliya illaa sagaashan kun oo qoys oo ay xoolohiina ka bexeen gobolada galbeedka waxaanu ku soo aragnay abaar sadex jirsatay oo dadkiina halis ku sugan yihiin xoolihiina ka bexeen oo qoyska ugu yar ayaa ku odhanaya xoolihii kala badh ayaa naga baxay,waxaa kale oo aanu soo aragnay xoolihii oo dhintay oo

Xigasho Wargeyska Dawan

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here