Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Markii Madaxweynaha Somaliland xilka uu la wareegay ee uu ku dhawaaqay golihii Xukuumaddiisa ee ugu horreeyay waxaa iska dhex arki waayay haldoorkii Xisbiga talada ku guulaystay ee KULMIYE,waxaanay taasi dhalisay in KULMIYE raggii miisaanka ku lahaa ay qaarkood in ay u qaadan waayeen ka maqnaanshaha Xukuumadda lagu dhawaaqay ee aanay ku jirin isla markaana ay cadhadooda aamus ku qarsadeen oo ay dan moodeen in ay qamuunyaysigooda aamusnaan ku qarsadaan oo ay ciilkooda dadka ka dedaan maadaama ay muddo sideed sano ah Kulmiyaysnaayeen oo ay isagoo mucaarid ah soo adkaysanayeen.
Waxaanay ragga qaarkood markiiba dalka uga dhoofeen dibada ka dib markii ay saluugee n Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqay oo ay ka muuqan waayeen baarqabyadii KULMIYE halka ay u arkeen xubnaha la magacaabay in ay u badnaayeen qurba joog aan wax halgan ah ku lahayn loolankii adkaa ee uu KULMIYE u soo maray hanashada KURSIGA.
Markii baarqabkii KULMIYE badankoogu ka qadeen kuraastii Xukuumadda waxaa dhexdooda ka bilaabmay guux badan oo sabab u noqday in ay isu arkaan in cidla lagaga tegay,waxaa bilaabantay in Kulmiye iyo Xukuumaddu arrimaha qaar kala aragti ka noqdaan oo ay hadalo kala duwan soo kala saaraan.
Waxaa soo baxday kelmad ay ku dacaayadeyn jireen siyaasiyiintii uu tartanka doorasho kaga kaga guulaystay ee reer UDUB oo halhays ka dhigtay KULMIYE isaga ayaa mucaarid isugu filan.
KULMIYE oo ay kala shakigaa ugu bilaabantay Xukuumaddii Xisbigu hoggaaminayay ee dalka taladiisa la wareegtay ayaa isu aamusnaan ku adkaystay isla markaana masuuliyiinta Xisbigu afka ka xidheen wax kasta oo ay qalad u arkayeen oo kaga yimi hoggaamiyahoogga Madaxwynaha noqday.
Waxaay arrinta Xukuumadda iyo Xisbigeedu isu aamusnaadaanba waxaa la gaadhay wakhtigii uu qabsoomi lahaa shirkii golaha dhexe ee KULMIYE. Waxaana muddooyinkaa uu qabsoomi doono shirka golaha dhexe ee KULMIYE Xukuumadda dhaliilo badan u soo jeedin jiray oo arrimo uu qoonsaday ka hadli jiray Guddoomiye ku-xigeenka Koobaad ee xilligaa ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir. Waxaa markii uu shirku furmi doono kulamo kala duwan yeeshay hoggaanka KULMIYE iyo Madaxweynaha Somaliland sida ay wararku xiligaa sheegayeenna waxaa la isku af-gartay in guddoomiye ku-xigeenka Koobaad ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ka maqnaado shirka golaha dhexe ee xisbigiisa oo aanay isugu iman Madaxweynaha haddii ay taasi dhici waydana aanu Md Siilaanyo ka soo qayb gali doonin.
Waxaana sida la sheegay ergo loogu tegay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo lagu qanciyay in aanu KULMIYE shirkiisa golaha dhexe ka soo qayb galin. C/raxmaan ayay taasi u cuntami wayday waxaanu u arkay in ay tahay mid sumcaddiisa wax u dhimaysa isla markaana lagu quudhsanayo waxaanu goostay in uu shirka ka qayb galo.
Waxaa subaxdaa dhacay kala dhimashadii koobaad ee ka dhex dhacda KULMIYE oo ah xisbi xaakimka Somaliland waxaana xoog iyo awood shirka lagaga saaray isla markaana guddoomiyenimadii iyo xubinnimadii xisbigaba bannaanka laga dhigay Guddoomiye ku-xigeenkii koobaad ee KULMYE oo Xukuumaddu u adkaysan wayday dhaliilaha kaga imanaya,taasina waxaay cashar u noqotay oo ku tusaale qaatay xubnaha iyo hoggaanka KULMIYE oo ka dheeraaday in ay Xukuumadda qaladkeega u muuqda ka hadlaan.
Hadaba bal daawo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ka hadlaya wuxuu kala Kulmay xisbigii uu guddoomiye ku-xigeenka ka ahaa iyo waxyaabaha uu ka sheegay aqoontii uu u lahaa Madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay in uu is bedelay https://youtu.be/3KkeNov50sg
La Soco qaybo kale oo ka mid ah Faaqidaadda Siyaasadda iyo Fagaaraha Xogsoormedia.com walina waxaa inoo socda KULMIYE.https://youtu.be/3KkeNov50sg
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland