Cadaado(Xogsoormedi.com):-Madaxweynaha Galmudug, Cabdkariin Xuseen Guuleed ayaa caawa ku dhawaaqay golihiisa Wasiirada oo ka kooban 48 Wasiir oo usugu jira Wasiirro Wasiir ku-xigeenno iyo Wasiirudawleyaal.
Golaha Wasiirrada Galmudug ayaa lagaga dhawaaqay Munaasabad ka dhacday Degmada Cadaado, taasoo ay oo ay goob-joog ka ahaayeen inta badan xildhibaannada maamulkaas iyo mas’uuliyiin kale.
Magacaabista golaha Wasiiradda Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ka dambaysay ka dib markii ay heshiis wada gaadheen Galmudug iyo Culimadda Ehlu Sunna Wal jameeca oo shalay kala saxeexday heshiis awood qaybsi.
Waxaa hore Madaxweynaha Galmudug uga dhacay wakhtigii sharciga ahaa ee uu u haystay in uu ku magacaabo Xukuumaddisa ataasoo ay sabab u ahayd khilaaf awoodeed oo u dhexeeyay Galmudug iyo Ehlu Sunna Waljameeca.
AKHRISO: Magacyada Wasiirada, Wasiir Ku xigeennada iyo Wasiir u Dowlayaasha;
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland