Xukuumadda Oo Wareejinaysa Haamaha Shidaalka iyo Maareeyaha Oo War moog ka ah

0
386

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xukuumadda Somaliland,ayaa shirkado gaar loo leeyahay ku wareejinaysa Haam aha Kaydka Shidaalka ee Berberfa sida uu Gudiga ilaalinta iyo daba galka  hantida qarnka ee Golaha Wakiiladda uu u caddeeyay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland.

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ah gudiga daba galka iyo Illaalinta Hantida qaranka ayaa caddeeyay in Haamaha Kaydka Shidaalka isla markaana lagu wareejin doono shirkado madaxbannaan.

haamaha shid

waxaa kale oo Xildhibaan Naasir uu intaa ku daray in ay kulan  kale isugu iman doonaan Wasaaradda Ganacsiga.

waxaa hadalka Xildhibaanka mid ka duwan  warbaahinta  u sheegay Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka  ee Berbera oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in Haamaha shirkado gaar ah lagu wareejinayo.. Saleebaan Siciid Cali

Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera oo maanta u warramay Hadhwanaagnews,ayaa yidhi. “waxba Kama jiraan oo waxba lama wareejin haamahuna waa Sidoodii wali,anagana wax nasoo gaadhay wali mahayno,laakiin dadkani iyaga ayuunbaa sheegaya oo wareejintani suuqa ayay iska jirtaa,waxa hada aanu wareejinaynaa mahayno ilaa hada waxaasina waa warkii suuqa aniguna wali hadalkaas mahayo.

 

intaas waxa uu ku daray mareeyaha haamaha shidaalka Berbera waxaana uu yidhi.”haamaha Aniga ayaa ka Masuul ah Anigana wax isoo gadhay mahayo ilaa hada oo wareejin ah,Shirkadahu waxa ay ka mid yihiin ganacsatada aanu u shaqayno,waxaan arintaas ka ogay majirto,sabab loogu wareejiyaana hada Meesha taalo oo anigu garan maayo.”

Hadaba war mooganaanta masuulka ugu sarreeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera waxaa kuu caddaynaya hadalka Xildhibaan Naasir Cali Shire.

hadaba halkan ka dhegayso hadalka Xildhibaan Naasir..NASIRSHIREE

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeysa Somaliland

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here