Hargeysa(Codka):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta buuxiyay boos Xukuumaddiisa ka bannaanaa ka dib markii uu dhawaan is casilay masuulkii xilkaa hayay
Waxaanu masuul cusub u magacaabay wasaaradda Qorshaynta qaranka oo hore uu isaga casilay wasiir ku-xigeenkii Wasaaraddaas Cabdikariim Axmed Mooge. waxa uu Madaxweynuhu magacaabistiisa ku sheegay digreeto Madaxweyne oo shalay ka soo baxday Qasriga Madaxtooyada .
Digreetada Madaxweynaha
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/XERM/249-3515/082018 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee JamhuuriyMadda Somaliland. isagoo madaxweynuhu hore warqadii shaqo ka tegista ka aqbalay wasiir ku xigeenkii hore wasaaradda Cabdikariim Axmed Mooge.
Madaxweynaha:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee JSL;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cabdi Yuusuf Ismaaciil (Cabdi Wadaad), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland