Faaqidaadda Siyaasadda iyo Fagaaraha Xogsoormedia.com Qaybtii Koobaad

0
399

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Tan iyo markii ay soo dhawaatay dhamaadka Muddo xileedka Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) oo ku beegnayd 27/07/2015. Oo imika laga soo gudbay waxaa dalka ka bilaabmay buuq siyaasadeed oo ka dhex isdhaadhmay labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI iyo UCID iyo Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE. Waxaa kale oo muranka sisaasadeed qayb ka noqday muddo kordhin ay guurtidu samaysay oo aakhirkii Maxkamadda Sare ee Somaliland qaraar ka soo saartay laguna soo afjaray.

Habada shabakada Xogsoormedia.com waxay bulshada iyo Akhristayaasheedaba u soo gudbinaysaa faaqidaadda Siyaasadda Somaliland oo aynu dhinacyo badan ka eegi doono isla markaana tusaalayaal iyo is bar bar dhigyo ku samayn doono fagaaraha siyaasadda ee Somaliland oo ay jilayaashiisu yihiin Sadexda Xisbi qaran,Xukuumadda iyo siyaasiyiin aan asxaabta qaranka ka mid ahayn oo soo gali doona.

Ugu horrayn waxaan ku bilaabi doonaa xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE iyo xanta suuqa ugu jirta iyo faaqidaada laga bixiyo timaadada soo socota ee doorashooyinka iyo siduu ku wajahayo.

Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE,ayay soo mareen duruufo kala duwan iyo marxalado gil gilay intii uu noqday Xisbi Xaakimka ka taliya Somaliland ee uu ku guulaystay doorashooyinkii shan sano ka hor dalka ka qabsoomay oo uu kaga adkaaday Xisbi xaakimkii xilligaa ee UDUB oo uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Xisbi Mucaaridkii labaad ee UCID.oo uu u tartamayay Madaxweyne Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Xisbiga KULMIYE oo ahaa xisbiga kaliya ee barnaamijkiisa siyaasadeed oo qoraal buug lagu koobay u gudbiyay bulshada reer Somaliland ayaa xilligaa ku guulaystay kala badh codadkii doorahsda ee ay heleen sadexda Xisbi qaran. Waxaanu sidaa ku noqday Xisbi Xaakimka Somaliland waxaanay Madaxweynaha iyo kux-xigeenkiisu xilka la wareegeen 27/07/2010.gii. maalntaas oo munaasida aan ka dhicin dalalka qaarada cagaaran oo aan xilba lala kala wareegin jamhuuriyadda aan la aqoonsan ee Somaliland Hargeysa ku qabatay kuna soo jeedisay indhaha caalamka dalkan ka soo dhex baxay qaarad kali talis hor joogayaasha ay ka yihiin.

Filashadii hoggaanka KULMIYE in bedenkiisu ay ka muuqan doonaaan dhismaha xukuumadda ay hanashadeeda halganka mucaaridnimo sideeda sano ugu soo jilib dhigeen ayaa maalintii Madaxweyne Siilaanyo xilka la wareegay is bedel kale ku yimi ka dib markii ay bulshada reer Somaliland ka dhex arki wayday golihii Xukuumadda ee uu isla maalintii uu xilka qaranka la wareegay uu ku dhawaaqay Madaxwayne Siilaanyo.

 

Hadaba intaynaan dhaafin dhismihii ugu horreeyay ee Xukuumadda KULMIYE iy siyaasiyiinta xilalka wasiirnimo   Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay bal dib u milicso si aad akhriste u aragto KULMIYE iyo Xukuumaddiisii koobaad in ay laba kala noqdeen iyo hal doorka is lahaa Wasiiradda Dawladda Axmed Siilaanyo ayaad tihiin ee liiskii koobaad iska waayay

 

 

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Cusub

  Wasaarad Wasiirka Wasiir-ku-xigeeen
1. Arimaha Dibada iyo Xidhiidhka caalamiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar Maxamed Yoonis Cawaale
2. Arimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose Cismaan Garaad Soofe
3. Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Warsame Siciid Cabdi
4. Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Xuseen Axmed Caydiid Cali Cabdi Saa’iq
5. Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Samsam Cabdi Aadan Cali Xaamud Jibriil
6. Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed Nimco Xuseen Qawdhan
7. Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dr. Sacad Ali Shire
8. Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami
9. Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Cabdirisaaq Khaliif Axmed
10. Xanaanada Xoolaha Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Dr. Axmed Xaashi Oday
11. Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed
12. Cadaalada iyo Garsoorka Prof Ismaaciil Muumin Aare
13. Diinta iyo awqaafka Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed
14. Shaqada iyo Ariamaha Bulshada Ilhaan Maxamed Jaamac
15. Kaluumaysiga Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekadaha Dr. Maxamd Yaasiin Xasan
16. Macdanta Biyaha iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale
17. Ciyaaraha Dhalinyarada iyo Dhaqanka Maxamed Xaashi Madar
18. Beeraha Prof. Faarax Cilmi Maxamuud
19. Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi
20. Warfaafinta Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)

La Soco qaybo kale oo ka mid ah Faaqidaadda Siyaasadda iyo Fagaaraha Xogsoormedia.com walina waxaa inoo socda KULMIYE.

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here