Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Odayga Somaliland Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Guurtuda Somaliland, ayaa axsaabta mucaaridka ah ku eedeeyay siyaasad xumo iyo in ay ka masuul yihiin rabshadaha ka dhaca caasimadda Hargeysa .
Waxaanu su,aal galiyay mucaaridku sida ay u doonayaan in ay dalka taladiisa ku guulaystaan iyagoo rabshado ka wada magaalada.
“Nin madaxnimo doonaya oo haddana dab shidayaa waa cajiib, haddii uu wixiiba baabiinayo xaggee buu kursiga ka doonayaa. Waxaan leeyahay siyaasiyiintu yaaney dadka kala xigtaysan, waayo dhammaan bulshada madax bay u yihiin ama madaxnimay ka doonayaan” ayuu yidhi, Xaaji Cabdi Waraabe oo ka qayb-galay dood golaha Guurtidu ka yeeshay nabadgalyada dalka, waxaanu intaasi ku daray “Nin madaxnimo doonaya oo colaad tabcay isagaa iska saaray meesha, hadhowna cidi dooran mayso….”
Xaaji Cabdiwaraabe oo ka talo bixiyay sida looga gudbi karo mushkiladda caruurta rabshadaha ka sameeya Hargeysa ayaa yidhi. “Sida wax looga qabanaayo dhalinyarada habeenkii wareegaysa ee dadka dhibaysa, bilayska tuur-tuuraysa. Waxaan soo jeedinayaa in marka ugu horaysa booliska la xoogeeyo oo lala shaqeeyo, qof kastaana gacan ha siiyo booliska. Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in wax laga qabto dhalinyarada kooxo-kooxaha isku raacda ee loo taag la’ yahay, waa in meel lagu xareeyo oo lagu dhaqaaleeyo markay halkaa bilo ku jiraan ee la baro xirfado kala duwan iyagoo raga ayay soo bixi hadhow.”ayuu yidhi Xildhibaan Xaaji Cabdiwaraabe .
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland