Xisbiga WADDANI Oo Bulshada U Balan Qaaday Saami Qaybsi Xaq Ah

0
361

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa bulshada reer Somaliland u balan qaaday haddii ay doortaan oo uu codkooga ku soo boxo in uu sugi doono xaqooda kaga maqan Dastuurka Somaliland isla markaana uu furi doono Dastuurka.

War qoraal ah oo xisbiga Waddani soo saaray ayaa lagu sheegay in balan qaadka xisbigaasi bulshada u bandhigayo ay ka mid tahay in dastuurka la furi doono si saami qaybsiga bulshada Somaliland loo sugo.

uurcade

Warka qoraalka ah ee WADDANI waxaa lagu sheegay in xisbigu taageersan yahay xal u helista tabashooyinka gobolada galbeedka iyo kuwa bariga eek u salaysan kuraasta Baarlamaanka. Waxa uu Xisbiga Waddani sidoo kale xukumadda ugu baaqay inay bulshada manaafacaadka dalka ugu qaybiso hab caddaalad ah.

 

Warsaxaafadeedka Waddani oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha guud Managed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa Xukuumadda ku eedeeyay in ay gabtay oo aanay ka soo bixin balan qaadkii ay bulshada reer Somaliland codka kaga heshay ee ahaa saami qaybsi waafi ah.

 

Waxa uu xisbiga Waddani ku dooday inay ahayd in xukumaddu hore u qabato hawlaha xeerka doorashada Wakiillada ee hadda gacanta lagu hayo, kaasi oo mudaneyaasha galbeedka Somaliland ku tilmaameen mid aan xaqooda siinayn.

 

warka qoraalka ah ee uu caawa Xisbiga WADDANI arrintan kaga hadlay ayaa u dhignaa sidan

w1

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here