Kismaayo(Xogsoormedia.com):- Qarax qasaare badan geystay oo ka dhacay maanta magaalada Kismaayo Xarunta Maamul goboleedka Jubaland kaasoo lagu sheegay in uu ahaa qarixii ugu waynaa ee ka dhaca Kismaayo.
qaraxa Kismaayo ka dhacay oo lagu beegsday Xaruntii hore ee Jaamacadda Kismaayo oo imika ah Xarun Ciidan.
Qaraxa Kismaayo ayay kooxda Al-Shabaab ku sheegatay in ay ku dileen ugu yaraan boqol askari.
“Ilaah ayaa ku mahadsan noo suurtageliyay camaliyaddaasi istish-haadiga ah waxaa lagu dilay ciidan kabadan 100 oo dhammaantood murtadiinta katirsan iyo 4 sarkaal oo tababarayaal Afrikaan gaala ah”ayuu yidhi Sheekh Cali dheere afhayeenka kooxda Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta afka Al-Shabaab ku hadasha
hadaba halkan ka dhegayso Afhayeenka Al-Shabaab oo arrimahaa ka hadlayay…
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland