“Wasiir Xagla Toosiye Waa Xaqa Toosiye.”Nuux Maxamed Saleebaan
Waxaa qalinka ii diray ama qormadaydu daarantahay waa in inan ka marg koco xaaladaha siyaasiga ah ee taagan wakhtigan.
Nuux Maxamed Saleebaan
Maa daama oo aan ahay muwaadin xogogaala, waxa damiirku ifaraya in aan qalinka ugu hiiliyo wixii xaqu igu muuqdo, hadal iyo dhamaan waxaynu ka wada warqabna in wasiir Xaglatoosiye ahaa nin wax diidi kara ama colaad qaadan kara taasina waa cad raganimo, marlabaad waxa uu qorshaystay in uu nabad qato taana wuu kaga dhabeeyay hadaba kolhadii aanu labalabayn ama laba gardaymoon waxaa cad in damirku faraayo murtidii ahayd (dadka waa lanolow oo nabad ahaada ama waa ka nolow oo nacab ahaada) intaas dabadeed waxaan la dafiri Karin in uu simug leh uuga soo baxay xilkii wasaaradda ee lo igmaday iyo waliba gaadhsiinta Dawladnimadda Goboladda uu ka soo jeedo, waxa uu ka dhiidhiyay wallow ay niman ku dhiifeen kuraasta ka maqan beelaha uu ka soo jeedo wasiirku ee ay sababta u ahayad khaladaadkii siyaaiga ahaa ee dhacay iyo qaabkii isxanbaarka ahaa taasina waxa ay iftiimisay in wasiir xalga toosiye ama xaqa toosiye uu yahay masuul hami iyo higsi durugsan leh hadaba hadii uu wasiirku quudhsi diiday qorshaystayna in ay wakiiladda beeshiisu ay ku soo baxaan qaab lamida beelaha dhigooda ah oo xor iyo xalaala (Allaylehe waa hog god aan la hilmaamin).
Waxaanu isla markaas caqliga fayobi kutusin karayaa in ay arintaasi tahay dhamaystirkii iyo hana qaadkii Somaliland sidaa daraadeed waxaan dhawaaq dheer iyo dhanbaal qaylo dhaan ah u diraya dhamaanba inta Gobonimo iyo wanaaga jecel, inta xumo diidka ah ee xaq u dirirta inta qiiro wadaninimo iyo damiir dadnimo leh inta garaad fayow ee garasho dheer in ay isgarab taagaan qorshaha ay wadaan Wasiir Xagala toosiye ama xaqa toosiye iyo intii la halmaasha.