Wasiir Xaglo Toosiye Oo Jawaab Siyaasiya Ka Bixiyay Hadalkii Baaashe Kana Hadlay Cali Khaliif Waxay Kala Muteeb

0
337

Buuhoodle(Xogsoormedia.com):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Axmed Ciise Xaglotoosiye ayaa jawaab siyaasiya ka bixiyay hadal ka soo yeedhay  Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Golaha Wakiiladda oo dhaliilay socdaalka Wasiirku uu ku tegay Buuhoodle kuna tilmaamay min aan waxba ka tarayn xaaladda Buuhoodle ka jirta oo uu sheegay in ay tahay mid talo qaran u baahan.

waxaa kale oo Wasiir Xaglotoosiye uu ka hadlay khatarta ammaan ee uu dalka u leeyahay madaarka Buuhoodle oo ah mid aanay cidina Maamulin isl amarkaana ay wax kastaaba ka soo degi karaan.

Wasiirka Caafimaadka Oo Ka Hadlay Saamaynta Nololeed Ee Abaaraha Ka Jira Somaliland

 

“Baryahan sida aad la socotaan waxa aan joogay gobolka Buuhoodle gaar ahaan magaalada Buuhoodle,safarkaygu waxa uu la xidhiidhay inaan ka hor tago koox qas wadayaal ah oo doonayay inay buuhoodle ku qabsadaan shir, islamarkaana ay waxyeeleeyaan nabad galyada Buuhoodle oo muddadaa labada sanno iyo badh ka ahayd ee Somaliland joogtay aan wax dhib ahi ka dhigicin. alle waa igu guuleeyay way bexeen, laakin haddana may fogaane meel Balacad la yidhaahdo ayay shirkoodii ula guureen Somalilandna yeeli mayso cid kasta oo doonaysa inay wax u dhinto nabad galayada “ayuu yidhi Wasiir xaglatoosiye.

wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray.

“Kooxdaasi waxa ay ka soo duushay magaalada Xamar ee dalka Somaliya,waa nasiib daro in Somaliya oo wada hadal inaga dhexeeyaan isla markaana ay si ku dayso inay nabada Somaliland carqaladayso,waan cambaaraynayaa MAAMULKA XASAN SHEEKH,waxa ay ka soo duuleen xamar waxaanay yimaadeen Buuhoodle,balse Buuhoodle oo magaalada ugu wayn ah deegaankan waa laga saaray ,meelaha ay imika u guureenna waalaga saari doona”Wasiirka caafimaadka Somaliland.

Wasiirk Caafimaadka Somaliland oo ka hadlayay khatarta ammaan ee Madaarka Buuhoodle,ayaa yidhi

 

“Goroon ayaa meesha ku yaala,garoonkaasi maamul ma leh ,raadaal ma leh,waa garoon halis ku ah nabad galayada Somaliland ,wixii ay diyaaradaasi siday sida ay sirdoonka Somaliland noo sheegeen Cali khaliif wuxuu sitay waa uu la guuray waanaynu ognahayoo waa inuu Somaliland qaso,waxaanu ula guuray xagga uu imika u baxay”Wasiir Xaglatoosiye.

Mar uu ka hadlayay dagaal ooge Cali Khaliif waxaa uu Yidhu Wasiirku

“Cali Khaliif waxaan u arkaa ,waxa jira xaga dhaqanka Awr la yidhaahdo BAN KA QOOQ,waana awr geel awr haysan oo haddana qooqay ,kaasi ayuu la mid yahay Cali Khaliif,waa nin wayn waa in da’a meesha uu wax ka raadinayana waxba uguma jiraan,Cali Khaliif waxa uu doonayaa inuu DHULBAHANTE ka dhigto salaam uu meel sare ku gaadho,isaguna noqon maayo salaam meel sare lagu gaadho.Cali Khaliif waxa aan leeyahay iskaga bax arimahaasi,inaad hub keeno iyo inaad nabada carqaladayso waxba kaagama baxaan,nabad galyada bulshada deegaanka ayaa leh siyaasaddiisu waa siyaasad majara habawsan”

 

 

Mar uu ka jawaabayay hadalkii Guddoomiye ku-xigeenka Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax waxaa uu tdhi.

“Runtii waan dhagaystay guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka oo arintaa ka hadlaya imaantinkayga aan halkan imid shaqsinimo kumaan iman waxaan ku imid tallo qaran,waxaan ku imid amar madaxwayne,waxaan hadda ku joogaa tallo qaran iyo amar madaxwyane,anigu reer Buuhoodle ayaan ahay way kala duwan tahay marka madaxwyanuhu ii diro iyo markaan shaqsi ahaan ku imaado,Buuhoodle waa Somaliland waadigii arkayay sidii la iigu soo dhaweeyay Buuhoodle.

 

“Buuhoodle tallo qaran uma baahna ee waxa tallo qaran u baahan ku xigeenka koowaad guddoomiyaha baarlaamaanka Somaliland.Jagadaasi ayaa u baahan tallo qaran,waan ka xumahay inuu beeneeyo hadalkii wasiirka warfaafinta,waan ka xumahay inuu u hadlo sidii uu yahay gudoomiye ku xigeenka baarlamaaka Somaliland,waan ka xumahay inuu difaaco cali Khaliif iyo kooxdiisa.

 

“Buuhoodle waxa aan u joogaa inaan dadka wacyi galiyo,inaan dadka la tasho,waxa ka go’an deegaanka buuhoodle inay nabad galyo hirgaliso,dadkuna waxa ay diyaar u yihiim midnimo,horumar iyo nabad.

Xogsoormedia.con

Xogsoormedia.com@gamil.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here