Hargeysa (Xogsoormedia.com):-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici iyo wefti uu hogaaminayo oo maanta u dhoofay socdaal ay ku tageen dalka Itoobiya,Madaxweyne ku-xigeenka ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedada socdaalkooga iyo xeerka mudaneyaasha wakiiladda lagu soo dooranayo ee golaha hor yaalla oo uu sheegay in lagu waajaho talo qaran.
“Aniga iyo wefti aanu hogaaminaynaa waxaanu maanta safar ugu baxaynaa magaalada Addis Ababa. Inshaa Allah muddo kooban oo laba cisho ah ayaanu ku maqnaan doonaa. Safarkaasi waa safar shaqo oo wasiiro kalena nagaga horreeyaan Addis Ababa ayaanu u soconnaa, iyadoo sidaad ogtihiin Itoobiya tahay dal weyn oo aynu jaar nahay oo wax badani inaga dhexeeyaan, iskaashi badana aynu ka leenahay dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada,” ayuu yidhi Madaxweyne Xigeenku.
Madaxweyne xigeenka oo ka jawaabayay su,aal laga waydiiyay mudaneyaasha Wakiiladda ee ka maqan golaha ee ka soo jeeda gobolka Awdal,ayaa yidhi.
“Arrintaas xukumaddu qaranka ayay ula siman tahay. Arrinta baarlamanku waa arrin talo qaran u baahan, xildhibaannaduna meel ma tagin ee cabasho uun bay muujiyeen, mar walba jiri jirtay oo la leeyahay saamiga ha loo kordhiyo. Arrintani waxay noqonaysaa talo qaran oo u taal goleyaasha qaranka sidii hawshaas looga gudbi lahaa. Xeerku wuxuu hor yaal golaha wakiillada markaa marka doodiisu bilaamato iyo haddii dusha lagaga wada hadli lahaaba waa arrin maanta qaydhiin oo aan laga hor dhici karrin,” ayuu yidhi madaxweyne xigeenku.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland