“Waxa Jira Guurti’Wakiillo iyo Madaxtooyo Doonaya Inay Kuligood Kursiga Ku Fadhiyaan.” Jamaal Cali Xuseen

0
246

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Jamaal Cali Xuseen,ayaa Xukuumadda, Wakiilada iyo Guurtidaba ku eedeeyay in aaanay doonayn in dalka doorashooyin ay ka dhacaan,waxaanu intaa ku daray in ay sidaa u yeelayaan in ay iyagu sii fadhiyaan kuraasta qaranka.

Waxaa kale oo uu sheegay in dadka la kala qoqobay oo qabyaalad lagu ka xeeray isla markaana ay u baahan yihiin in qabyaaladda laga furo oo dadka la mideeyo.

jamaal

waxaanu sidaa ku faah-faahiyay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay shabakada xidhiidhka bulshada ee facebook-ga. Qoraalkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignnaa sidatan

 

”Dalka Somaliland wuxuu u dabran yahay koox aan ka badneyn 400 oo qof oo isugu jira Siyaasiyiin ka kala tirsan Xukuumadda, Guurtidda, Wakiiladda, Dawladaha Hoose iyo Xisbiyadda Qaranka. Waxa soo raaca tiro yar oo iyagu aan intaa midna ahayn oo qalad iyo saxba ku taageeraya waxa dalka ay ka sameynayaan kooxdaasi. Dhamaantood shakhsiyaadkaasi waxay eeganayaan dano gaar u ah iyaga. Kooxdan Siyaasiyiinta ahi sharciyaddii dalka ayey qoorta iskaga duubtay. Shacabkii waa la kala qoob-qoobay oo reero ayaa loo kala takooray. Waxa jira laba Gole Baarlamaan (Guurti iyo Wakiillo) iyo Madaxtooyo doonaya inay kuligood kursigga ku fadhiyaan ilaa intii u suurtogal ah. Kordhisku wuxuu dan u yahay nimankaasi mushaharka iyo mashaariicdda jaqaya ee kuligood doonidda wada saaran. Ilaahay iyo Ummaduba way ka war hayaan in ay jiraan dad wanaagsan oo ka tirsan siyaasiyiintaa aan idiin soo sheegay oo odhan mayno siyaasiyiinta oo dhami way wada xun yihiin. laakiin badankoodu waa kooxo isku shaqaysta oo uu u afduuban yahay dalku.

Xildhibaanaddu way ogyihiin in aanay dan u ahayn in doorashaddu qabsoonto, oo qaarbaaba toos noogu yidhaahda; ” iska xidhi mayno qasabaddan noo socota”. Inkastoo ay xisbiyadda qudhoodu wax badan ka qaldan yihiin, haddana tanaasul weyn iyo bisayl siyaasadeed bay muujiyeen oo aan la mid ahayn tii uu Kulmiye sameyn jiray berigii uu mucaaridka ahaa. Shacabka ayaa ah awoodda ugu sareysa ee dalka, mana filaayo in ay mar danbe aqbali doonaan in ay doorashaddu dib uga dhacdo xilligaa imika loo qoondeeyey ee qaranku duuduubka ku liqeen. Adduunka kale sicirka roodhidda oo la kordhiyo ayaa ay shicibku dareenkoodda muujiyaan oo keenta kacdoon dadweyne, laakiin Somaliland boqol qalad, boqol boob, iyo jaah wareer weyn ayaa ka dhacay 5 tii sano ee ay Kulmiye taladda dalka hayeen. Xataa waatii uu madaxweynahu u balan qaaday ummadda dhowr jeer in aanay doorashadu maalin dib uga dhici doonin. Laakiin balan qaadkii madaxweynahu waakii beenoobay. Dal wuxuu dal noqdaa marka qof kastoo muwaadin ahi uu ka dhiidhiyo xumaanta, wanaagana taageero. Waana lama huraan in farta lagu fiiqo masuulka mar hore been sheegay, oo balan danbe aan laga dhegaysan. Haldoorka dalkuna yaanu indhaha ka qarsan geedi socodka Somaliland iyo hiigsiga ummadda. Siyaasiyiintuna danta shacbka ha ka horeysiiyaan tooda gaarka ah ileyn Ilaahay baa qadaray cidda kursiga fuuli doonta oo samadda ayeey ka qoran tahaye. Allow Sahal Umuuraha.”, ayuu musharax Jamaal Cali Xuseen, ku soo gabagabeeyay qoraalkiisan

 

Xogsoormeda.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

abafgaab@hotmail.com

Haegeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here