Ingiriiska Oo Jawaab Ka Bixiyay Go,aankii Maxkamadda Sare Ee Somaliland

0
334

Lodon(Xogsoormedia.com):- Dawladda Ingiriiska ayaa jawaab ka bixisay go,aankii Maxkadda Sare ee Somaliland ku soo afjartay murankii qabsoomidda doorashooyinka.

Waxaanay Ingiriisku walaac wayn ka muujiyeen dib u dhaca doorashooyinka Somaliland oo ay ku sheegeen in uu wax wayn u dhimayo hannaanka geedi socodka dawladnimo ee Somaliland.

safee

Safiirka dalka ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaalida ee fadhigeedu yahay magaalada Nairobi Ambassador Angus Steward Ms Harriet Mathews ayaa sheegtay inay dawladda ingiriisku sii wadi doonto inay Somaliland ka taageerto dhinaca doorashooyinka, ammaanka iyo horumarka.

Ms Harriet Mathews

Ambassador Mathews oo ugu horayn uu weydiiyay tafatiraha shabakadda HALBEEG Maxamed Cabdi Xasan Diridhaba bal siday u aragto go’aankii golaha guurtidu ka soo saartay khilaafka doorashooyinka Somaliland waxay ku jawaabtay Ambassador Mathews “Wuxuu warkani isoo gaadhay maanta goor aan sii fogayn, runtii in doorashooyinku ku qabsoomi waayaan wakhtigii loogu tallo gallay ayaa marka horaba ah nasiib darro, dawladda ingiriiska iyo dalalka xubnaha ka ah SDF ee Somaliland ka taageera dhinaca dimuqraadiyadda iyo horumarku waxay dawladda Somaliland kala hadleen arrintani dhawr goor oo kala duwan, waxaananu u bandhignay si aan gabasho lahayn mawqifkayaga ah in Somaliland ku iibsami karto doorasho xor oo xallaal ah” ayey tidhi Ambassador Mathews.

Iyadoo hadalka sii wada kana jawaabaysa go’aanka maxkamadda waxay tidhi “kama jawaabi karo go’aanka maxkamadda oo ah mid Somaliland u yaalla, balse waxaan keliya ka dareen celinaya mida u fiican Somaliland shacabkeeda horumarkeeda iyo inay Somaliland bulshada caalamku usoo istaagto oo ah inay Somaliland horumar ka gaadho dedaalkii ay kaga duwanayd Soomaalida inteeda kale ee ahaa doorashooyin, dimuqraadiyad, horumar, iyo nabadgelyo, taasina hadda waxay u muuqata inuu dibu dhac ku yimid, waana mid niyad jab u keenaya cid kasta oo jecel horumarka Somaliland” ayey tidhi Ambassador Mathews

Mar la weydiiyey waxay yeelayaan deeq bixiyayaal ahaan ka dib go’aankani waxay ku jawaabtay “arrintani maaha mid deeq bixiyayaasha u taalla, waa mid u taalla dhinacyada siyaasadda Somaliland, axsaabta iyo xukuumadda” ayey ku jawaabtay Ambassador Mathews

Safiirka oo la weydiinay sida go’aankani u niyad jabiyay bulshada caalamka waxay ku jawaabtay “wax kasta oo dibu dhac ku ah Somaliland waxay niyad jab ku tahay Somaliland, waxay niyad u keenaysa cid kasta oo jecel Somaliland horumarkeeda, doorashaduna waa qodob asaasi ah oo bulsho kasta u keena horumar, intaan akhriyay u malayn maayo in cid uga khibrad badan shacabka Somaliland ay jirto xanuunka kelistalsnimada iyo in cid gaar ahi xukunka jan jeedhsato, hogaamiye kasta waa inuu doonista shacabkiisa ku fadhiya” ayey tidhi Ambassador Mathews

Xigasho:Halbeegnews

Xogsoormeda.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

abafgaab@hotmail.com

Haegeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here