Guddoomiye Ku-xigeenka Koobaad Ee Wakiiladda Oo Qirtay In Aanu Buuhoodle Waxba Ka Ahayn’Kuna Baaqay Dhismaha Xukuumad Dastuurka Baalmarsan

0
252

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax,ayaa sheegay in Buuhoodle ay ka jiraan dawlado badan isla markaana aanu waxba ka bedeli Karin qof iska soconaya oo kelidii tegay waxaa kale oo uu soo jeediyay in wax ka bedel lagu sameeyo hannaanka qaab dhismeefka Xukuumadda Somaliland oo laga dhigo qaab kale oo ka duwan sida ay imika tahay

Waxaanu si taa loo gaadho uu intaa ku daray in la furo dastuurka Somaliland oo wax laga bedelo.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in loo baahan yahay in la kordhiyo tirade Mudaneyaasha golaha Wakiiladda.

baashe baar...

 

“ aad iyo aad ayaanu uga xunnahay oo waa gobolo muhiim ah, waxaanu xalku ku jiraa inaynu is qancinno. Xeerkani wuxuu ku jiraa ajandaha, ajandahana wuxuu ugu jiraa maaha in berri ama saadambe la soo dhigayo ee xeerka kolba kii diyaar ah ayaa la soo dhigayaa golaha,” ayuu yidhi Mudane Baashe.

 

Guddoomiye xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyay “Xeerkan in wakhti hore la bilaabo ayuu ahaa, waxaanse soo jeedinayaa in la furo dastuurka, in laba ama saddex qodob la furo ayaan talo ku soo jeedinayaa. Furistiisa waa in saddexda gole ku heshiiyaan, haddaanay ku heshiinna lama furi karo, markaa waxaan soo jeedin lahaa in tirada xildhibaannada la kordhiyo, in dalka laba madaxweyne xigeen loo sameeyo, iyo in sidoo kale la bedelo qodobkan dhibta inagu haya ee doorashaa dib u dhacday keenaya”, ayuu yidhi Mudane Baashe.

 

Dhinaca kale waxa uu Baashe Maxamed Faarax Sheegay in Buuhoodle tahay meel aan maamul ka jirin masuuliyadduna saaran tahay xukumadda “Waad wada og tihiin oo Buuhoodle waa meel aan maamul ka dhisnayn. Waxa wada jooga dawladdo badan oo wada degan, markaa qof kaligii soconayaa waxba kama bedeli karo. Reer Hargeysa TV-yada ayay daawadaane dee waxaa jooga Puntland, Khaatumo qolada isku magacowday, waxa jooga Federalka Somalia, markaa rag dawladdo wada sheegayana ayaa meesha jooga,” ayuu yidhi Mudane Baashe.

Hadalka Guddoomiye Baashe,ayaa daba socday oo u muuqday in uu jawaab u yahay socdaalka Wasiir Dr Saleebaan Xaglo Toosiye ku joogo Buuhoodle iyadoo uu Wasiirka Caafimaadku Buuhoodle tegay ka dib markii uu magaalada Buuhoodle diyaarad ku yimi Cali Khaliif Galaydh kuna dhawaaqay dagaal Somaliland ka dhan ah.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here