Boorame(Codka):- Ugu yaraan sadex qof ayaa ku dhaawacmay xalay badhtamaha magaalada Boorame ka dib markii budhcad hubaysani ay weerar ku qaadeen Bakhaarka Caamir ee Boorame.
Budhcadda bakhaarka weerartay ayaa ku soo beegay hujuunkooga xilli ay magaalada inteeda badani rawaxday oo meheradaha la wada xidhay.
Waxaanay rasaas ooda kaga qaadeen Caamir Store Boorame oo ku yaalla badhtamaha magaalada. Waxaanay rasaasta markii ay ku bilaabeenba u suura gashay in ay qaataan lacag markaa xisaab xidhkeedu socday oo shaqo xisaabeedkeegu ka socday gudaha Bakhaarka.
Dhinaca kale shaqaalaha Bakhaarka ayaa iyaguna rasaas riday waxaanay rasaastii dhinacyadu is waydaarsadeen ay ku dhacday sadex nin oo la sheegay in ay dhamaan tood ahaayeen Xammaaliin ka ag dhawaa markii bakhaarka budhcadda weerartay ku bilawday rasaasta nool ee ay xoog xooga ugu shaxaadayeen.
Warku waxaa uu intaa ku darayaa in kooxdii weerartay Bakhaarka iyo booliska magaalada Boorame in ay is heleen oo ay boolisku eyradeen kooxdii wax dhacday iskalana bexeen magaalada.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland