Eng Faysal Cali Waraabe Oo Aqoonta Cali Khaliif Galaydh Ku Sifeeyay Mid Qasaare Ah

0
349

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe,ayaa tacliinta iyo aqoonta uu leeyahay ee uu bartay Prof Cali Khaliif Galaydh ku sifeeyay mid qasaare ah oo aan dadkiisa iyo deegaankiisa wax wanaag ah ugu filnayn isla markaana colaad iyo dil ka shaqaynaya.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe waxaa kale oo uu intaa ku daray in Buuhoodle deegaan ahaan iyo dad ahaanba uu yahay Somaliland isla markaana dadka deegaanka Buuhoodle ay yihiin dad aad u caqli badan oo u baahan horumar iyo wax qabad waxaanu Cali Khaliif ku dhaliilay isagoo aqoon sheeganaya in uu dagaal dibada kaga keeno.

faysal cali waraabe

“Horta waa nasiib darro in nin weyn oo dhawr iyo todobaatan jir ah oo waliba tacliin sare oo heer Prof, ah sheeganaya inuu haddana umaddiisii dagaal ugu baaqo aad baan uga xumahay, waanan kala han weynaa arrintaasi, waxaanan u arkaa inay deel qaaf weyn tahay,” ayuu yidhi Eng Faysal oo ka hadlay hadal dhawaan Cali Khaliif ka soo yeedhay.

Eng. Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Reer Buuhoodle uma baahna maanta dagaal ee horumar ayay u baahan yihiin, waxay u baahan yihiin waxbarasho, waxay u baahan yihiin caafimaad, dhaqaale ayay u baahan yihiin, markaa waxaan u arkaa inay Cali Khaliif sharaf darro u tahay, xagga aduun iyo xaq aakhiro toona uguma fiicna.”

Waxa uu Eng Faysal sheegay in bulshada Buuhoodle dib u dhac weyni ku dhacay “Dadka reer Buuhoodle waa dad caqli badan, dib u dhac weyn baa ku dhacay dhawr iyo labaatankaas sannadood ee Somaliland nabada ahayd oo degaannadii la midka ahaa horumarka gaadheen ee inkastoon wadanka la citiraafin haddana wixii loo gayn karayay loo geeyay, marka la barbar dhigo aad bay uga hooseeyaan, aduunkana dhaqaale iyo aqoon baa lagu tartami doonaa, markaa intuu maanta Xamar ka yimaado inuu dadkiisa wanaag ula iman lahaa uu yidhaa qoryaha qaata waa nasiib darro waxayna ku tahay ceeb,” ayuu yidhi Eng Faysal.

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here