“Dekeda Berbera Horumarinteedu Hadday Cid Waajib Ku Tahay Waa Aniga Qof Iga Jecel Wanaageeduna Ma Jiro.” Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

0
321

 

Muqdisho(Xogsoormedia.com):- Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegatay in ay waddo qrshe lagu horumarinayo Dekeda Berbera isla markaana ay ku faraxsan yihiin sida ay imika Dekedu u shaqayso.

Waxaa kale oo ay dawladda Soomaaliya sheegtay in ay si dhaw ula socoto hawlaha imika ka socda Dekeda Berbera kuna faraxsan yihiiin sida wacan ee ay u shaqaynayso iyo sida ay Maamul ahaan u shaqayso.

wasiirka-dekedaha-iyo-gaadiidka-badda

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya Nuur Faarax oo warkiisa aanu ka soo xiganay wargaeyska Codka Shacabka oo uu xalay waraysi gaar ah siiyay ,ayaa intaa ku daray in ay Xukuumad ahaan ka tashadeen Mooshinka laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya isla markaana ay meel adag iska taageen.

Ugu horrayn Wasiir Nuur Faarax oo aanu waydiinay sida ay u arkaan ka Xukuumad ahaan Mooshinka lagu ridayo Madaxweynaha Soomaaliya ee la hor geeyay Baarlamaanka,ayaa ku jawaabay. “Horta Mooshinkaa ka xukuumad ahaan waanu ka shirnay waanan ka tashanay waxaanan u aragnaa in uu yahay mid meel ka dhac ku ah qaranimada Soomaaliya iyo halka ay maanta wax marayaan waxaanan odhan karaa gabi ahaanba waa mooshin qaldan oo aan ka turjumayn danaha ummadda Soomaaliyeed iyo higsiga qorsheyaasha dawladda ee la doonayo in dalka la gaadhsiiyo oo ah higsiga horumarka ee hadda lagu socdo,waxaanan leeyahay cidda hawshaa ku hawlani waxay adhaxda ka jabinayaan higsiga ummadda la doonayo in meel wanaagsan lagu gaadhsiiyo ee ay wad jirka u wada wadaan Xukuumadda,Madaxweynaha iyo Baarlamaankuba kaasoo ah ka laga wada shiray ee laga wada hadlay lana doonayo iyo qorshe cad oo lagu midaysan yahay laga soo saaro markaa mooshinkaasi mid ummadda dani ugu jirto maaha cidda waddana waxaan odhan lahaa danta dalka iyo dadka eega oo ka noqda wax aan inoo wanaagsanayn ayaad waddaan e.”

Wasiir Nuur Faarax oo aanu waydiinay su,aal nuxurkeedu ahaa .”Haddii Madaxweynaha lagu soo oogay musuqmaasuq iyo xil gudasho la,aan oo lagu helo waa maxay sababta aad u diidanysaan in lagu qaado”?ayaa ku jawaabay.

“Horta marka Musuq maasuq laga hadlayo waa kiis culus oo u baahan in hay,adda Hantidhawrku caddayso oo ay baadhis samayso laakiin imika waa iska hadal iyo wax la yidhi oo kaliya waana dambi qaran o oculus in madaxweyne qaran oo xil haya wax aan caddayn loo hayn la iskaga eedeeyo ragga mooshinkan wadaana heshiisyada ay ka hadlayaan iyaga laftooda ayaa qayb ka ahaa oo qaarkood xiliyadaa Wasiirro ayay ahaayeen qaarna xildhibaano ayay ahaayeen hadduu musuq maasuq jirayna iyaga ayaa qayb ka noqonaya cidda samaysay ee lagu qaadayo laakiin imika sidan ay wax u wadaamn tii sharciga ahayd maaha ee waa wax u daran Soomaalinimada iyo umad nimadaba waxaana loo baahan yahay in ummadda Soomaaliyeed   isku duubnideeda laga wada shaqeeyo oo xilliga xaasaasiga ah ee ;agu jiro lagaga gudbo isku duubni iyo midnimo laakiin in hadalkii suuqa marba mooshin laga soo dhigaa Soomaalinimada ayay dhabar jab ku tahay.”ayuu yidhi

Mar uu ka jawaabayay su,aal aanu ka waydiinay waxa uga qorshaysan dekeda Soomaaliya   iyo in horumarinteeda waxa uga meel,yaalla ayaa ku jawaabay.

“Horta Dekeda Berbera waa dekedaydii waa deked muhiidadeeda leh waa deked uu xil iga saaran yahay haddii uu jiro qof ku fekeraya horumarinta dekeda Berbera oo ay maskaxdiisa ku jirtaana waxaan ahay qofka koobaad in aan horumariyo iyo in aan mashaariic wax ku kordhisa u doonaana waa xil iga saaran iyada iyo Dekedaha kale ee Soomaaliya oo dhan Lughaya illaa Kismaayona dekedaha ku yaalla anigaa Wasiir u ahay waxaan ogahay oo aan garanayaa muhiimadda Dekeda Berbera ay qaranka Soomaaliyeed u leedahay iyo ka ay gobolka geeska arfika u leedahay iyo gaar ahaan ka ay deegaanka u leedahaybba waanan ku faraxsannahay sida wanaagsan ee ay u shaqayso iyo siday qaybta wayn uga qaadato nolosha dadka iyo Maamulka halkaa ka jiraba (Somaliland) waxaanan wadnaa imika qorsheyaal lagu horumarinayo dekedaha Soomaaliya oo ay qayb ka tahay Dekeda Berbera, wasaaradda muddo kooban ayaan joogay wax hore oo qorshaha dekedaha ah oo ugu jirayna may jirin oon ugu imi laakiin imika ayaan ku hawlanay in aanu wax ka qabano.”ayuu yidhi Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa jiray warar bishan bilawgeedii soo baxay oo sheegayay in Xukuumadda Somaliland Dawladda Muqdisho kala hadashay horumarinta dekeda Berbera oo markii dambe Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ku tilmaamay warqad been abuur ah oo magiciisa loo adeegsaday taasoo Wasiirka Soomaaliya isna aanu ka hadal.

Laakiin wuxuu sheegay Wasiirka Dekedaha dawladda Fedraalka Soomaaliya in ay wadaan qorsheyaal lagu horumarinayo dekeda Berbera taasoo laga sugayo Xukuumadda Somaliland in ay jawaab cadka bixiso.

Xigasho wargeyska Codka Shacabka.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here