Shirkadda Isgaadhsiinta TELESOM Oo Dayactir iyo Qurxin Ku Samaynaysa Garoonka Kubadda Cagta Ee Hargeysa Stadium

0
450

Hargeysa (Xogsoormedia.com):- Shirkada Isgaadhsiinta Casriga Ah Ee Telesom ayaa Maanta si rasmi ah u shaacisay in ay dayactir iyo dib u habayn balaadhan ku samaynayso garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium.

Waxaanay Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee TELESOM balan qaaday in ay gidaarada garoonka mid ka mid ah dib u dhis dhamaystiran ku samaynayso isla markaana gidaarka xagiisa sare ku xidhi doonto taar qayb ka qaata ammaanka Garoonka si aan looga soo dhici Karin.

gar,,2

 

Waxaa kaloe oo masuuliyiinta TELESOM,ay intaa ku dareen in qaybta V.I.P-da ee garoonkana in ay si casri ah u dhisi doonaan.

gar,,1

Taasoo ay Masuuliyiinta TELESOM markii ay ku dhawaaqayeen maanta uu goob jog ka haa Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland waxaanay balan qaaday TELESOM in mar walba ay ahmiyadda koobaad siinayso wax u qabashada dhalinyarada dalka.

gar,,3

Ugu Horeyn Waxaa Madashaasi Ka Hadlar Mr.Darbo Oo Ah Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha Ee Shirkada Telesom Waxaana Isga Oo Ka

 

 

 

War Bixinaya Uu Yidhi .

“Run Ahaantii Arintan Maanta Aanu Halkan U Joognaa Waa Arin Dalka Wax Tar Badan U Leh Waan Arin Aanu Dayac Dir Ku Sameyn Doono Garoonkii Ugu Weynaa Somaliland Oo La Dhigey Roogii Mac Malka Ahaa .

Hadii Aanu Nahay Shirkada Telesom Oo Bulshadu Wada Leedahay Isla Markaana Ah Shirkadii Dhalinyarada Waxaa Uu Xil Weyni Naga Saaran Yahay In Aanu Dhalinyarada Wax Uga Qabano Meelaha Mihiimka Ah Sida Ciyaaraha Waxaana Aanu Arintan U Sameynayanaa In Aanu Dadka Tusno Qiimaha Ay Shirkadani Dalka Ku Leedahay “ Ayuu Yidhi Maxamed Xussen Darbo Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha Ee Shirkada Telesom .

Sidoo Kale Waxaa Isna Madashaasi Ka Hadaly Cabdiwahaab Maax Oo Ka Mid Ah Saraakiisha Shirkada Talesom Waxaana Uu Yidhi .

“Waxaanu Maanta Halkan Ka Iclaamineynaa Laba Mashruuc Oo Waa Weyn In Aanu Garoonka Ka Qaban Doono Oo Ay Ugu Horeyso Gidaarka Dhinca Bari Ka So Jeeda Oo Dhib U Dhis Dhameys Tirsan Lagu Sameyn Doono Dushana Lagaga Xidhi Doono Taar Iyo Biro Si Uu Amniga Garoonku U Noqdo Mid La Isku Haleyn Karo .

Sidoo Kale Waxaa Aanu Dib U Habeyn Ku Sameyn Doona V.I.P Ay Madaxda Iyo Masuulyiintu Soo Fadhiistaan Kuraasteeda Iyo Dhinac Kasta Waxaa Aanu Ku Sameyn Doona Dib U Habeyn Runtiina Waxaa Ku Baxaysa Mashruucaas Lacag Aad U Badan Lakiin Lacagtaasi Waa Wax Umada Galaya “ Ayuu Yidhi Cabdiwahaab Maax Oo Ka Tirsan Saraakiisha Shirkada Talesom .

Ugu Danbeyntii Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha Axmed Cabdi Casood Ayaa Waxaa Uu Shirkada Telesom Uga Mahad Celiyey Dayctirka Ay Ku Sameynayo Garoonka Kubada Cagta Ee Magaalada Hargeysa Waxaana Uu Ugu Baaqey Shirkadaha Kale Ee Dalka In Ay Ku Dey Daan Oo Ay Ka Qeyb Qaataan Dib U Casriyeenta Garoonka Kubada Ee Hargeysa Stadium Waxaana Uu Yidhi .

Waxaa Aan Maanta Aad Ugu Faraxsanahay In Shirkada Telesom Ay Shaacisay In Ay Dib U Habeyn Ku Sameyn Doono Qeybo Ka Mid Ah Garoonka Kubada Cagta Ee Hargeysa Runtiina Shirkada Telesom Waa Shirkad Mar Kasta Na Bar Bar Taagan Waxaana Aan Ugu Baaqayaa Shirkadaha Kale Ee Dalka Ka Jira In Ay Ku Deydaan Shirkada Telesom Oo Ay Ka Qeyb Qaatan Dib U Casriyeenta Garoonka Hargeysa Stadium “ Ayuu Yidhi Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha Somaliland

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here