Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Maxkamadda Sare ee Somaliland,ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay wadday kulammo ay la yeelanayso qaybaha kala duwan ee Bulshada hadday noqoto asxaabta qaranka,bulshada rayidka ah iyo guurtida oo la filayo in ay maalinta Sabtida ah is arkaan ka dib markii Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyay qoraal uu kaga codsanayo in ay fasiraad sharci ka bixiyaan heshiiskii asxbaabta qaranka iyo Xukuumaddu Desrember 2016-ka ugu muddeeyeen in ay doorashooyinku dalka ka qabsoomaan iyo muddo doorasheedka ku astaysan muddo kordhinta ay Guurtidu Samaysay oo ku beegan Marj 2017-ka.
Waxaanay Maxkamadda Sare ku dhaqaaqday tallaabo ay ka horraysiisay fasiraadda sharci ee laga sugao oo ah in ay qaybaha bulshada la kulanto waxna ka dhegaysato taasoo ah tallaabo wada tashi oo ay Somaliland halkan ku soo gaadhay.
Maxkamadda Sare ee Somaliland iyo qaar kamida ururadda bulshadda rayidka ah ee Somaliland ayaa maalintii maanta waxa ay kulan saacado qaatay ku yeeesheen isla xarunta Maxkamadda Sare.
Kulanka ururada Bulshada Rayidka ah iyo Maxkamadda Sare shalay wada yeesheen ayay Maxkamadda Sare ku waydiinaysay ururada Bulshada rayidka ah muranka doorashooyinka dalka ka taagan iyo siday ula muuqado.
Markii kulanku dhamaaday ayaa waxaa warbaahinta la haflay Mustafe Sacad oo u hadlayay ururada Bulshada Rayidka ah waxaanu sheegay in Maxkamdda Sare ay waydiisay aragtidooda ay ka qabaan sida lagaga gudbi karo muranka ka taagan bisha la qabanayo Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada oo la isku maandhaafsan yahay waxaanu intaa ku daray in ay aragtidoodii iyo siday la ahayd ugu gudbiyeen qoraal. “maanta ururadda Bulshadda rayidka ah ayaa waxa ay kula la yeesheen Maxkmadda Sare ahna Maxkamadda DASTURIGA, waxay maxakamddu naga codsatay in aanu feker kayaga ka dhiibano muranka hadheeyay doorashooyinka Somaliland isyada oo sida aynu ogayn 8-dii bisha Madaxwaynahu u soo qoray fasiraad sharci, Maxkamaddu inta aanay Fasiraadda gaadhin aya waxa ay la tashanaysay daneeya yaasha arimaha Doorashooyinka oo ay ka mid yihiin xisbiyadda Siyaasiga ah Komishanka Doorashooyinka Bulshadda rayidka ah Golayaasha, markaa maanta waxa ay halkan kula kulantay ururadda Bulshadda rayidka ah halkan Maxkamadda sare u soo gudbinay talo soo jeedin wixii ay anaga nala ahayd hadaanu nahay bulshooyinka rayidka ee Somaliland madaama aanu nahay dad inta badan u dhuun daloola nidaamka dimuqraadiyadda dalka yaga ee Somaliland markaa halkan waxaa nala joogay guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo xubno kamida garsoora yaasha Maxkamadda markaa taladayadii waanu u dhiibnay waxanu rajaynaynaa in Go’aan wanaagsani ka soo boxo”
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland