Jamaal Cali Xuseen Oo Xukuumadda Ku Canaantay Fulin La,aanta Qisaaska Dilka Ah

0
368

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Musharaxa jagada Madaxweyne ee xisbiga Ucid, aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa xukumadda ugu baaqay inay talaabo ka qaado dilalka sii kordhaya ee dalka ka dhacay muddooyinkii u dambeeyay.

Hadalka Jamaal Cali Xuseen, ayaa imanaya iyadoo galinkii hore ee Jimcaha wiil gacanta booliska ku jiray oo saldhiga Ibraahin Kood-buur ee Magaalada Hargeysa ku xidhnaa dhaawac culusi ka soo gaadhay rasaas ay riday askarta ilaalinaysay, sidoo kalena maalmihii la soo dhaafay ayaa wiil 11 Jir ahi ku baxay gacanta Booliska dib markii ciidanku rasaaseeyay qoys gurigooda difaacanayay, waxaana ku dhaawacmay 5 qof. Waxa kale askari milatariga ka tirsani Boorama ku dilay sarkaal isagoo mid kalena dhaawacay.

jamaal c,x

 

Jamaal Cali Xuseen ayaa walaac ka muujiyay xaaladda dhinaca ammaanka ee natiijada dilalkan oo wax laga qaban waayaa keeni doonaan “Haddii dadku arkaan dadkii dilalka gaystay oo aan la dilin amma loo aarrin(talaabo laga qaadin) qof waliba sharciga gacantiisa ayuu ku qaadanayaa,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

 

Mudane Jamaal, ayaa xukumadda ku eedeeyay inaanay waxba ka qaban dadka dilalka gaysta “Imika weynu ognahay siday xukumaddu u damba-bastay dilalkii magaalada Hargeysa ka dhacay, Inankii yaraa ee 11 jirka ahaa ee Mujaahid Axmed Japan dhalay ee boolisku xabbadda madaxa kaga dhuftay ilaa hadda lama hayo ciddii gacan ku dhiig laha ahayd iyo cidii amarka bixisay oo waa la damba-basay,” ayuu yidhi Aqoon yahan Jamaal.

 

Jamaal oo sii hadlaya ayaa la yaab ka muujiyay wiil ku dhaawacmay gacanta Booliska “Maantana waa taas la leeyahay qof gacanta ciidanka ammaanka ku jiray ayaa la dilay, waxaa loo baahan yahay in arrimahan xukumaddu go’aan adag ka soo saarto. Waxani nabad galyada ayay dhaawacaysaa umaddana kala shaki ayay ku abuuraysaa,” ayuu yidhi Jamaal.

 

Jamaal Cali Xuseen, waxa uu sheegay inay habboon tahay in dadku sharciga u sinnaado oo qisaasta la fuliyo “Maaha in Kiisna dadka loo dilo mid kalena, la damba-baso.waa in dadka sharcigu u wada sinnaado oo xukunkaasi u wada socdo oo qofkii qof dila waa in loo dilaa. Dilkii si kama’a ku yimaada waa laga wada xaajoon laakiin, dilka badheedhka ah wixii shareecada iyo sharciga Somaliland ka qabo waa in lagu fuliyaa,” ayuu yidhi Mr Jamaal.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here