Hargaysa (Xogsoormedia.com):-Munaasibad balaadhan oo lagu daah furayay buug la magac baxay DHAWAAQA BAXAYA, ayaa caawa lagu qabtay hotel Imperial ee magaaladda Hargaysa. Buugaasi oo uu qorey wiil dhalinyaro ah oo magaciisa la yidhaahdo Cabdikhaaliq Axmed Cismaan.
waxaana xafladii daah-furka buugaasi oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ka soo qayb galay musuuliyiin ka tirsan xukuumada, madaxda xisbiyada mucaaridka, wasiirkii ku xigeenkii hore ee wasaaradda qorshaynta qaranka Cabdikariim Axmed Mooge, abwaano iyo marti sharaf kale.
Qoraaga buugga DHAWAAQA BAXAYA Cabdikhaaliq Axmed Cismaan, oo munaasibaaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay dhamaanba dadkii gacanta ka geystay soo saarista buugaasi ee ka taageeray. Waxaanu sharaxaad kooban ka bixiiyay qodobadda iyo mawduucyada buugaasi uu ku qoray.
Cabdikhaaliq Axmed Cismaan, waxaanu tilmaamay inay ka mid yihiin Tabriibka iyo qabyaaladda oo mid walba uu sharaxaad mug leh ka bixiyay dhibaatooyinka ay bulshadda Somaliland ku hayaan.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda Cabdiwaaxid C/qaadir Cabdiraxmaan oo isna munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa bogaadiyay qoraaga da’da yare ee qoray buuga DHAWAAQA BAXAYA. Waxaanu sheegay inuu wacyigelin wax ku Ool ah u yahay dhibaatooyin bulshada haysata.
“Waxaan bogaadinayaa qoraaga da’da yare ee qoray buugan wax ku ool ka ah ee la magacbaxay DHAWAAQA BAXAYA. Runtii qoraagu waxa uu dareemay dhibaayooyin bulshadiisa ka dhax jira, isla markaana uu hamigiisu yahay sidii looga looga samato bin lahaa bulshada dhibaatooyinkaasi. Waxaan cadaynayaa in buugaasi ka wasaarad ahaan aanu qaadanayno 50 buug” ayuu yidhi Wasiir ku xigeenku.
Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay wasiirkii ku xigeenkii hore ee wasaarada qorshaynta Cabdikariim Axmed Mooge, oo u ololeeya la dagaalnaka qabyaalada isagoo sheegay in Somaliland aanay ku naaloonayn amni iyo horumar inta qabyaaladi ka jirto isla mrkaana qabiilooyinka Somaliland aanay xaqsiman u helayn hogaaminta tallada dalka. Waxaanu yidhi“Waxaa xaqiiqo ah in Somaliland aanay horumar, naruuro iyo ammni ku naaloonayn inta ay jirto qabyaalada, inta beelaha gabooyo iyo beelaha ugu badan aanay u sinayn hogaaminta talada dalka, qabyaaladu waa cadow inta aan bulshadayda ka suu linayo la dagaalankeeda kama daalayo”.
Waxaa sidoo kale madashaasi lagu daah-furay buuga DHAWAAQA BAXAYA, gabayo ka soo jeediyay abwaanada da’da yar ee Aadan Cumar Xuseen, Sadaam Caydiid Ibraahim oo halkaasi ka mariyay gabayo dadkii dhagaysanay dareenkooda soo jiitay oo ka hadlaya dhibaatada qabyaada iyo tahriibka.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland