Madaxweynaha Soomaaliya Oo Lagu Soo Oogay Mooshin Xil Gudasho La,aan Ah

0
353

Muqdisho(Xogsoormedia.com):- Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,ayaa mooshin xil ka xayuubin ah ku soo gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaanada mooshinka ka dhanka ah Madaxweynah Soomaaliya ka gudbiyay,ayaa sheegay in mooshinka ay ka gudbiyeen Madaxweynaha uu yahay mid ka dhashay xil gudasho la,aan oo ku kacay Madaxweyne Xasan.

 

Fariin_Xassan_231014

Qoraalka Xilka ka qaadista ah oo ay Xildhibaanada soo gudbiyeen ayaa waxaa ku xusan in Madaxweynaha uu jabiyey Dastuurka Soomaaliya, isla markaana uu horseeday in caqabado ku yimaadaan nabadeyntii iyo midnimada Soomaaliya, sidoo kale Musuq maasuq baaxadleh oo lagu eedeeyey Madaxweynaha shaqsiyan, waxaana taasi usii dheer eedeynmo ah in lagu tuntay Dastuurka dalka oo uu Madaxweynaha la wareegay Awoodii, Baarlamaanka iyo Xukuumada.

 

Eedeynta ku qoran nuqulka mooshinka ee lasoo gudbiyey ayaa waxaa kamid ah in dhamaan Raysalwasaarayaashii uu Madaxweynaha Soomaaliya soo magacaabay iyo xukuumadahooda ku fashileen inay fuliyaan wixii loo igmaday.

 

Xildhibaanada ayaa cuskaday qodobo kamid ah Dastuurka Federaalka Soomaaliya gaar ahaan qodobka XIL KA QAADISTA Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka oo u qoran sidatan;

 

“….Xil Ka qaadista Madaxweynaha JFS waxaa soo jeedin kara Golaha Shacabka marka lagu eedeeyo khiyaano Qaran, Xad gudub culus oo Dastuuri ah, ama ku xad-gudub sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya….”

 

Madaxweynaha ayaa lagu eedeeyey inuu sidoo kale gebi ahaan la wareegay hawlihii Xukuumada iyadoo la sheegay Xafiiska uu Madaxweynaha sameeyey ee loo yaqaan (Policy Unit) oo si toos ah farah kula jiray shaqada Xukuumada. Waxaana la sheegay in musuq mmaasuq baahsan oo lagu kacay lagu lunsaday hantidii Qaranka.

 

Waxaa Tusaale loo soo qaatay Warqado uu Qoray Xafiiska Madaxweynaha oo uu ku weydiisanayo in lagu soo wareejiyo dhamaan Hantiada Qaranka ee taala dibada, isagoo aan hawshan u marin ama kala tashan hay’adaha u xilsaaran arrimahan ee Xukuumada.

 

Heeshiiskii Soma Oil & Gas ayaa kamid ah qodobada lagu eedeeyey inuu Madaxweynaha iyo Xafuladiisa si gaar ah ulla galeen shirkadaasi oo ay hada ku socoto baaritaan la xariira Musuq maasuqa

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here