Hargeysa(Xogsoormedia.com):- ugu yaran hal qof oo ilmo yar ah ayaa ku dhintay laba ruuxna waxaa ka soo gadhay dhaawacyo kala duwan rasaas nool oo ay rideen ciidanka Booliska Hargeysa ka dib markii ay isku dayeen in ay joojiyaan dhisme laga waday caawa fiidkii dhul la isku haystay oo ay xayirtay Dawladda Hoose ee Hargesya.
Ciidanka booliska ayaa rasaas nool adeegsaday ka dib markii dad kii dhis,aha a joojiyay dhisayay ay kala hor yimaadeen dhiid isla markaana ay dhaawacyoo soo gaadhsiiyeen qaar ka tirsan ciidanka booliska.
wasiirku xigeenka aminiga ee wasaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdi Dahir Cmuud oo waraysi kooban khadka tilifoonka ku siiyay shabakada Xogsoor ayaa sheegay in rabshadu ay ka dhalatay ciidanka oo la amray in ay joojiyaan dhul dawladda hoose ee Hargeysa ay xyirtay oo laba dhinac ku muran sanaayen oo dhinac ka mid ahi uu dhisme ku bilaabay tasina ay sababtay cidanku markii la shiiday ee dhaawcyo la soo gaadhsiiyay in ay rasas kaga jawaabaan waxaanu inta ku daray in hal qof dhintay lba kalena dhaawac soo gadhay.”Ciidanka waxaa la amray n ay joojiyaan dhisme laga bilaabay dhul lagu muran sanaa oo dawladda Hoose ee Hargeysa xayirtay oo dhnc ka mid ahi uu dhisme ku bilaabay markii ciidanku gadhayna dagaal iyo shiid ayaa lagu bilaabay ka dbna rasas ayay rideen wxaana ku dhintay hal qof oo h wiil yar oo sgal jir ah laba ruuxna way dhaawacmeen, tiro dad ahna wa loo qabtay rabshadaa imikana meeshi waa la joojyay dhibaatona kama jorto” ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenka Amniga oo goor daweyd u waramay Xogsoormedia.com
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland