Hargeysa(Xogsoormedia.com):- tan iyo markii ay golaha Guurtida Somaliland ku dhawaaqeen muddo kordhintii ay u sameeyeen Xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda ayaa waxaa dalka ka bilaabmay muran siyaasadeed iyo shrciyeed oo ka dhex curtay Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE oo isku dhinac ah labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI iyo UCID oo ay la socdaan siyaasiyiinta ku bohoobay Madasha Wadatashiga oo dhinac ah iyo Guurtidii Muddo kordhinta samaysay oo gees gaar ah u taagan.
Waxaana muranku hawada isku sii shareeray markii ay mucaariku ku dhawaaqeen in aan la qaadan Karin go,aanka muddo kordhinta Guurtidu samaysay isla markaana ay shaaciyen in ay qaban doonaan shir ay ugu yeedheen Talo Qaran oo mucaaridka u gaar ah.
Markay halkaa arrintu maraysay Xukuumadda ayaa gogol siyaasadeed oo wada hadal u dhigtay labada Xisbi Mucaarid waxaanay kulamo ku yeesheeen maalmo kalla duwan Ambasator Hotel,Guriga MMadaxweyne ku xigeenka iyo kii ugu dambeeyay oo ku qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Kulamada ay Xukuumadda iyo asxaabtu wada yeesheen oo marar badan la isku afgaran waayay laguna kala kacay ayaa aakhirkii waxaa lagu heshiiyay qodobo ay isku raaceen Xukuumadda iyo asxaabu oo lagu xalinayo muran siyaasadeedka ka dhashay goorta ay doorashooyinku qabsoomayaan iyo muddo kordhinta ay Guurtidu samaynay.
Xukuumadda iyo asxaabta ayaa ku heshiiyay in doorashooyinku ay dalka ka qabsoomaan Desember 2016-ka. Taasoo meesha ka saaraysa in ay ku qabsoomaan muddo kordhintii ay guurtidu samaysay oo u astaysay in ay doorashooynku qabsoomaan Marj 2017-ka.
Waxaana la filayay in muranka siyaasadeed ee ka taagnaa qabsoomidda doorashooyinku uu halkaa ku dhamaan doono kol haddii ay heshiis rasmi ah ka gaadheen dhinacyadii tartamayay ee qusaysay iyo gudigii doorashooyinku isla markaana ay ku raaceen qaadhaan bixiyeyaashii dhaqaalaha doorashooyinka ka taageeyay Somaliland.
Laakiin waxaa mar kale dalka ka curtay muran siyaasadeed oo ka dhex bilaabmay asxaabta mucaaridka iyo Guurtida oo sharci darro ku tilmaantay heshiiskii ay Xukuumadda iyo asxaabtu wada saxeexdeen ee doorashooyinka u muddaynayay in ay dalka ka qabsoomaan desember 2016-ka. Waxaanay Guurtidu ku adkaysatay in muddo kordhintoodu ay sharci tahay oo aanay ka noqosho lahayn heshiiska xisbiyada iyo Xukuumaduuna uu yahay hadal la iska yidhi oo aan meella sharciga ka waafaqsanayn.
Intaa kadibana waxaa dib cirka isugu shareeray eedihii mucaaridku ay u jeedanayeen Madaxweynaha ee ay ku doodayeen in aanu doorashooyinku in ay qabsoomaan aanu raali ka hayan iyagoo taa bedelkeedana ku doodayay hadduu Madaxweyne Siilaanyo Doorasho diyaar u yanay in uu fuliyo heshiiskii asxaabta iyo Xukuumadda.
Ugu dambayn wuxuu Madaxweyne Siilaanyo shalay la kulmay gudiga joogtada ah ee golaha Guurtida una soo jeediyay in ay is waafajiyaan muddo kordhinta ay sameeyeen iyo heshiisja asxaabta iyo Xukuumaddu wada gaadheen laakiin guurtidu soo jeedintii Madaxweynaha way ku gacan saydheen waxaanay ku adkaysteen go,aankoogii Muddo kordhinta.
Hadaba waxay is waydiintu tahay go,aanka Guurtida ee Muddo kordhintu sabab ma u noqon doonaa in aanay dalka doorashooyin ka qabsoomin marka laga eego xagga dhaqaalaha oo lacagta qarashka doorashooyinka Somaliland ku baxaya oo ay bixiyaan dalalka Somaliland dhanka dimuquraadiyadda ka taageera oo qarashka doorashooyinka ee ay Somaliland ku taageerrayaan ku xidhay in ay doorashooyinku qabsoomaan Desember 2016.-ka.
Laakiin haddii ay mudadaa asxaabta iyo Xukuumaddu ku heshiiyeen ay doorashooynku dib uga dhacaan waxay Somaliland waayaysaa lacagtii lagu galayay doorashooyinka ee uu ku shaqayn lahaa Gudiga Doorashooyinka qaranku iyadoo aayany Somaliland-na awood dhaqaale u lahayn in ay qabsato doorashooyin ka maxad bannaan caawimada dalalka qaadhaanbixiyeyaasha ah.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland