Xukuumadda Oo Xaflad Qarash Badani Ku Baxay Caawa U Samaysay Qurba Joogga Xilli Abaar Baahsani Dalka Ka Jirto Haraadna Loo Dhintay

0
349

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xukuumadda Somaliland,ayaa caawa Xaflad qarash aad u badani ku baxay u qabatay qurba Joogga reer Somaliland ee Hargeysa ku sugan.

Xafladda loo qabtay Qurba Joogga reer Somaliland ee ku sugan dalka oo hadda ka socota Hotel Guuleed ee Hargeysa,ayaa waxaa si toos ah looga baahinayaa oo laga daawanayaa TV-ga Qaranka oo xafladda qurba jooga si toos ah u tebinaya.

xaf qur,8

Xafladda Xukuumaddu u samaysay qurba joogga dalka ku sugan oo noqonaysa tii sadexaad ee nooceega ah,ayaa waxaa ku baxay qarash aad u tiro badan iyadoo tirade dadka lagu marti qaaday lagu qiyaasay ugu yaraan laba kun oo ruux,waxaa ka qayb galay oo ka dhex muuqday Xafladda xubno ka tirsan golaha Wasiiradda iyo masuuliyin kale oo ka socday laamaha Xukuumadda oo uu ka mid yahay afhayeenka Madaxtooyada.

Qarashka ku baxay xafladda loo sameeyay Qurba joogga oo qiyaas ahaan noqonaya tobanaan kun oo Dollar,ayaa waxaa kale oo dheeraad ku ahaa lacag lagu bixiyay riwaayad lagu soo nabdhigay oo maalmo la soo diyaarinayay oo iyada lacag lagu bixiyay isla markaana ka hadlaysay ammaanta Wasaaradda Arrimaha Dibbadda iyo Qurba joogga reer Somaliland .

Xafladda ay Xukuumaddu u samaysay qurba joogga oo ay kali ku ahayd isla markaana aanay ka dhex muuqan door ay ku leeyihiin asxaabta Mucaaridku ayaa u muuqatay mid indho sarcaad ah oo qurba joogga lagaga qarinayo xaqiiqada dalka ka jirta iyo abaaraha saameeyay dalka Somaliland.

Qarashka xafladdan qurba joogga lagu cashaysiiyay looguna heesay ee loo sameeyay ayaa wax wayn ka tari lahaa isla markaana deegaano adan biyo lagu gaadhsiin kari lahaa haddii Xukuumaddu biyo dhaamis ugu samayso deegaanada ay abaaruhu ku dhufteen.

Xukuumadda Qurba joogga cashada iyo riwaayada ku maaweelinaysa dalka ay xilkiisa hayso waxaa markii ugu horraysay ka dhacay in tiradii ugu badnayd ee dadkeeda ahi ay harraad u dhintaan todobaadyadan iyadoo ay xilliganna halis ku jiraan ugu yaraan 26 kun oo qoys oo ay saamaysay abaarta ku dhufatay Somaliland taasoo ay ugu sii daran yihiin deegaamada Xeebta ah ee Saylac illaa Laasqoray.

Hadaba Xukuumadda miyaanay nusqaan iyo ceeb ku ahayn in dadkeedii oo haraad surmi ah oo u lee,Anaya in ay warbaahinta qaranka si toos ah uga baahiso qosolka iyo cashaysiinta ay ku sooryaysay qurba joogga aan uga baahnayn ee ay TV-gii Qaranka ka daawadsiinayso.

Waxaa hubaal ah in Xafladaha ay Xukuumaddu qabanayso ee noocan ahi ay yihiin qaar meel ka dhac ku ah qaranka ay xilka u hayso iyo ummaddii soo dooratay ee baahida biyood u il daran.

Waxaa ugu daran caasimadda Hargeysa ee xafladdan lagu qabanayo ayaa biyo la,aan meehanaabaysa.

Casuumadaha Qurba Jooggu waa boog ku taalla Xukuumadda harraadka loogu hoos bakhtiyay ee u gurman kari wayday dadkeeda abaaruhu asiibeen ee dad iyo duunyoba in ay dabar go,aan halista ugu jira.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.xom

hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here