Madaxweyne Maxkamadda Adduunku Baadigoobayso oo Kulanka Golaha Ammaanka Ka Qayb Gelaya

0
291

Wakaaladaha Wararka-(Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir,ayaa la filayaa in uu ka qayb galo kulanka loo dhan yahay ee golaha ammaanka bisha dambe ka dib markii uu sidaa warbaahinta u sheegay ku-xigeenka Dalka Sudan u fadhiya qaramada midoobay.

Madaxwyne Cumar Xasan Al-Bashiir oo ay hore maxkamadda dambiyada adduunku waaran qabosho ah ugu jartay ayaa intii dacwadaasi ku cocotay aan u safrin dalalka Yurub iyo Maraykanka waxaanu socdaal uu ku tegay dalka Koonfur Afrika oo uu kaga qayb galayay shirma Madaxweyneyaasha Midawga Afrika uu ugu xanibnaa muddo maalin ah ka dib markii la qaban gaadhay.

cumar

Al-Bashir, ayaa la filayaa in uu dabayaaqada bisha September, uu ka qeyb galo shir weynaha fadhiga guud ee sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay, ee ka dhacaya magaalada Mew York, isla markaana uu khudbad ka jeediyo, sidaana waxa sheegay ku-xigeenka wakiilka dalka Sudan, u fadhiya Qaramada Midoobay Mr Hamid Hassan, isaga oo xusay in uu halkaa kula kulmi doono hogaamiyayaal ka tirsan madxada dalalka caalamka.

Wakiilku waxa uu carabka ku dhuftay in Madaxweynha Sudan la filayo in uu fadhigaa khudbad ka jeediyo 26-ka bisha Sept, waxaana fadhiga guud ee Qaramada midoobay ee ka qabsoomaya New York, lagu falanqayn doonaa

 

 

 

ajandayaal ay ka mid yihiin horumarinta dalalka caalamka ee Shan iyo Tobanka sanno ee soo socda

Dhinaca kale, Af-hayeenka Wasaarada Khaarajiga ee dalka Sudan, Ali al-Sadiq ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintan ku saabsan in Madaxweyne Al-Bashiir, uu u kicitimayo magaalada New York, si uu uga qeb galo shirkaa Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Omar Al-Bashiir, ayaa isku dayay in uu ka qeyb galo sannadkii 2013-kii, shirkii Qaramada Midoobay, isaga oo doonayay in uu khudbad ka jeediyo fadhigii guud golaha Qaramada Midoobay, balse waxa xilligaa loo diiday fiisaha dal ku galka ah ee dalka Maraykanka.

Madaxwyne Al-Bashiir ayaa 2013-kii ku guul darraystay in uu ka qayb galo kulanka golaha ammaanka ee loo dhan yahay ka dib markii uu fiisaha dal ku galka ka waayay waddanka Maraykanka oo u ogolaan waayay in uu siiyo fiise dal ku gal ah oo uu ugu socdaalo dalka Maraykanka.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here